SMN 9/20/2011 5:49:21 PM
Iyadoo maalmihii u dambeeyay Maamulada Gal-mudug iyo Ximan iyo Xeeb ay ka wada hadlayeen sidii dib loogu furi lahaa Dakada magaalada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa Mas’uuliinta Maamuladaasi waxa ay shaaca ka qaadeen in maanta ay fureen dakadaasi.
SilGor 9/20/2011 3:52:32 PM
Warsaxaafadeed kasoo baxay Xildhibaannada kasoo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle ayaa lagusoo bandhigay liis 206 ruux ka kooban oo lagu laayay deegaanada ay maamusho dowlad goboleedka Puntland waxayna sheegeen in dacwad u gudbinayaan dowladda
SilGor 9/18/2011 2:50:29 PM
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho mudane Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan) ayaa maanta shir-jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho ku sheegay in shaqaalaha hay'adaha samafalka ee ku sugan magaalada Muqdisho aysan tegi karin degaannada ay ka taliyaan Xarakatul Shabaab.
SilGor 9/18/2011 11:04:24 AM
Hay'adda dalka Turkiga u qaabilsan arrimaha diinta (TDV) ayaa sheegtay inay dayactir u sameyneyso in ka badan 200 masjid oo ku yaalla Soomaaliya, kuwaasoo uu burbur kasoo gaaray dagaalladii muddada 20-ka sano ka badan ka soconayey dalka.
SMN 9/18/2011 10:41:05 AM
Isbaheysiga Nabada ayaa sheegay inuu qilaaf horseedayo heshiiskii lagu gaaray Shirkii Wadatashiga ee dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho ee ku aadanaa yareynta tirada Xildhibaanada barlamanaka Soomaaliya.
SilGor 9/18/2011 10:29:41 AM
Waxaan halkaan uga tacsiyeyneynaa madaxweynaha maamulka Mareeg State mudane Dayib Maxamuud Sheekh oo ay hooyadiis marxuumad Faadumo Cali Weheliye dhowaan ku geeriyootay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sidoo kale waxaan tacsi taasi la mid ah u direynaa marwada mudane Dayib, marwo Sucaada
RM 9/16/2011 10:11:27 PM
Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in aysan dowladda Soomaaliya u ogolaan doonin dadka Ajaanibta ah e howllaha gargaarka ka wada magaalada Muqdisho in ay ku tallaabaan goobaha ay joogaan maleeshiyaadka kooxda Shabaab.
SilGor 9/13/2011 4:52:20 PM
Marka Laga hadlayo ganacsi waxaa qalbigena ku soo dhaca inan lacag yar isku aadsano ka dibna horey aan suuqa ka galno tusaale ahan bagaash ama dhar waa labada ay u badan yihin ganacsiga somalida taqaano lagana yaabo inay mar mar xataa gataan furaha dukanka kadibna markey lacago badan geliyaan ku baraarugaan inuusan is bixineynin ama uusan ka fiirsanin , taasina waxaa keena iyadon daraaso fiican oo dhinac walba ah
SilGor 9/12/2011 7:42:32 AM
Wafdi ballaaran oo ka socda dalka Turkiga ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, wafdigan ayaa isugu jira xubno ka tirsan ganacsatada dalkaasi, saraakiil ka socota wasaaradaha dalkaasi iyo injinyeero qiimeyn ku sameyn doona dib u dhiska magaalada Muqdisho.
SilGor 9/10/2011 5:29:41 AM
Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo xubin ka ah xildhibaannada Golaha Barlamaanka Soomaaliya ayaa dowladda waddanka Angola ugu baaqay inay xabsiyada dalkeeda kasii deyso dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku xiran, kuwaasoo uu sheegay
SW 9/9/2011 9:04:21 AM
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kulan dheer la qaatay Ra'iisul Wasaaraha Kenya Rt Hon Raila Odinga. Kulankan ayaa waxuu ka dhacay xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Kenya. Kulankan oo qaatay saacado ayaa waxey
HOL 9/8/2011 1:08:29 PM
Shir soconaya muddo laba maalmood ah oo looga hadlayo abaaraha ku dhuftay dalalka Geeska Afrika ayaa ka furmay Khamiista maanta ah magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo DKMG ah ay ka qaybgalayso kulankaas.
SMN 9/8/2011 1:01:03 PM
Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada oo uu shir-guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Xuseen Carab Ciise ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin go’aamadii kasoo baxay shirka Wadatashiga, ansixinta habraaca sanadka 2011/2012,







'
World News