Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Ra'iisul Wasaaraha Kenya


Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kulan dheer la qaatay Ra'iisul Wasaaraha Kenya Rt Hon Raila Odinga. Kulankan ayaa waxuu ka dhacay xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Kenya. Kulankan oo qaatay saacado ayaa waxey labada Ra'iisul Wasaare uga hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xirirka qotoda dheer ee soo jireenka ah ee labada dal, arrimaha amniga iyo horumarka laga sameeyey ee Soomaaliya, arrimaha Abaaraha iyo arrimo kale oo fara badan.

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo soo gaaray magaalada Nairobi ayaa ka qeybgalay shir looga hadlayey arrimaha abaaraha ee waddamada Geeska Afrika. Kulan oo ay marti gelisay dowladda Kenya ayaa looga hadlayey sidii xal waara loogu heli lahaa arrimaha abaaraha ee ka jira dalalka Geeska Afrika. Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa u mahadceliyey dhigiisa dalka Kenya gaar ahaan shirka muhiimka u ah Soomaalida oo ay dowladda Kenya iska xilsaartay oo ay waliba ku casuuntay dhammaan dalalka Geeska Afrika, Qaramada Midoobey iyo beesha Caalamka.

Ra'iisul Wasaare Raila Odinga ayaa isna u mahadceliyey Ra'iisul Wasaare Abdiweli Mohamed Ali kuna ammaanay sida uu wax uga qabtay arrimaha amniga, abaaraha, dib-u-heshiisiinta, isku xirka Dowladda dhexe iyo maamulada dalka Soomaaliya ka jira iyo gaar ahaan sidii shirkii wadatashiga ee Soomaalida ay u maareysay dowladda Soomaaliya.

Raila Odinga ayaa ballanqaaday in Dowladiisu ay marwalba garab taagantahay dowladda Soomaaliya kalana shaqeyn doonto arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin amniga, abaaraha iyo sidii dalka Soomaaliya uu u noqon lahaa mid nabad ah.

Kulankan ayaa ahaa kii ugu horreeyey ee labada Ra'iisul Wasaare tan iyo intii Abdiweli Mohamed Ali uu noqday Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, wallow ay labada mas'uul horey u kulmeen 7dii April oo uu markaas Abdiweli ahaa Ra'iisul Wasaare ku xigeen, ahaana Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Waxaa muuqata in Xukuumadda Soomaaliya ay ku guuleysatay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin ka saaridii Al-Shabaab laga saaray caasimadda, gar-gaarka bani'aadanimo oo ay weliba madaxda Adduunka soo booqanayeen Muqdisho, arrimaha isku xirka Dowladda Federaalka iyo maamulada dalka ka jira, ka dib markii uu Ra'iisul Wasaare Abdiweli booqasho ku tegey Puntland iyo Galmudug iyo ugu danbeyntii shirkii Wadatashiga oo si heer sare ah loogu qabtay caasimadda dalka, kuna dhammaaday si qurux badan, shirkan oo ahaa kii ugu horreeyey oo weliba maalmo kooban ay Soomaali maamusho, iskuna raacaan dariiqadii la mari lahaa (Roadmap) 12ka bilood ee soo socda.


Add New Comment