Wafdi ballaaran oo ka socda dalka Turkiga ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, wafdigan ayaa isugu jira xubno ka tirsan ganacsatada dalkaasi, saraakiil ka socota wasaaradaha dalkaasi iyo injinyeero qiimeyn ku sameyn doona dib u dhiska magaalada Muqdisho.
Wafdigan dalka Turkiga ka socda ayaa waxaa si heer sare ah ugu soo dhoweeyey garoonka dayaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda KMG ee Soomaaliya.
Wasiiru-dowlaha wasaaradda gaadiidka cirka iyo dhulka mudane Saciid Jaamac Cali (Qoorsheel) oo la hadlayey warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegay in wafdigu u yimaadeen dalka si ay qiimeeyn ugu sameeyaan qaabka ugu habboon ee dib-u-dhis loogu sameeyn karo dalka.
Booqashada wafdigan Turkigu ay ku yimaadeen magaalada Muqdisho ayaa waxa ay daba socotaa booqashadii ra'iisul wasaaaraha Turkiga uu kol dhoweyd ku yimid magaalada Muqdisho iyo ballaanqaadyadii uu u sameeyey Soomaaliya oo uu ka mid ahaa in Turkigu gacan weyn ka geysan doonaan dib-u-dhiska magaalada Muqdisho oo ku burburtay dagaalladii ka jiray muddadii 20-ka sano ahayd.
Sidoo kale xubno ka mid ah wafdigan oo ka socda wasaaradaha dalkaasi ayaa waxa ay la kulmi doonaan xubno ka socda wasaaradaha Soomaaliya si ay isu weydaarsadaan aqoonta maamul wanaagga iyo sidii loo horumarin lahaa hay'adaha Dowladda KMG ee Soomaaliya.