KA FAA'IDEYSO NADAAM GANACSI OO HORUMARSAN

miftaax1.jpg

Dr: Abdullah Sheik Mohamed ( MIFTAAH )
SWEDEN


Marka Laga hadlayo ganacsi waxaa qalbigena ku soo dhaca inan lacag yar isku aadsano ka dibna horey aan suuqa ka galno tusaale ahan bagaash ama dhar waa labada ay u badan yihin ganacsiga somalida taqaano lagana yaabo inay mar mar xataa gataan furaha dukanka kadibna markey lacago badan geliyaan ku baraarugaan inuusan is bixineynin ama uusan ka fiirsanin , taasina waxaa keena iyadon daraaso fiican oo dhinac walba ah lagu sameynin in layska bilaabo ganacsga, marka Waxaan halkan idiinku soo gudbin doonaa BARNAAMIJYO TAXANE ah oo ay kamid ahaan doonaan:
  • Shirkadaha guulaystay ee dunnida iyo sababaha ay ku guulaysteen
  • Shirkaddaha guul-daraystay ee adduunka iyo sababaha ay ku guul-daraysteen
  • Side lagu noqon karaa maamul ganacsade fiican
  • Waxaanu samayn doonaa dhawr shirkaddood oo tusaale aanu usoo qaadan doono, si dadku u fahmaan waxaanu ka hadlayno.
  • Ganacsiga qaarada afrika
  • Side loo abuuraa ganacsi
  • Side loo kobciyaa ganacsi
  • Maxaa keenaa in ganacsi guulasyto
  • Maxaa keena in ganacsi uu guul daraysto

SIDEE LOO ABUURAA GANACSI (how to create a business):

Marka hore waxaa habboon in aan qeexno sua’aasha ah waa maxay ganacsi?

Waxaa jiri kara qeexido badan waxaanse kusoo gaabsanaynaa ganacsi waa: geddis ama isweydaarsi badeeco ama adeeg dhex mara laba qof iyo wax kabadan.

Waxyaalaha ugu horeeya ee loo baahan yahay si loo abuuro shirkadd guulaysata waxaa kamid ah in lasameeyo nidaam ganacsi oo afka qalaad lagu yidhaa Business Planning. Waxa aynu QEYBAHA SOO SOCDO ku faahfaahin doonaa waa maxay nidaaminta ganacisgu (business plan):

I . Qorshaynta ganacsiga (Business Planning):

Nidaamka ganacsi inkasta oo uu leeyahay qeexido badan hadana waxaynu kusoo koobi karaa waa qoraal nidaamsan oo lagu qeexay laguna soo koobay ujeedooyinka ama marxaladaha ay marayso shirkadda cusub oo laga raadinaayo faaiido. taas oo noqon karta nooca ay tahay shirkaddu iyo waxa ay qabanayso (general company description), waxa ay higsanayso (vision), ujeedooyinka shirkadda (objectives), nidaamka suuq geynta (marketing strategy), saadaasha iibka (sales forecast), nidaamka shaqada iyo shaqaalaha ( management and organisation), Loollanka shirkaddaha kale (competition), meesha lagu qabanaayo shaqada (location), nidaaminta maaliyaddeed (financial plan).

Hada waxa aynu halkan ku soo qaadan doonaa mid mid waxyaalaha aynu kor kusoo xusnay:

Qoraalkani waxa uu ka kooban yahay (Table of Contents)

   II.  Soo koobid shaqada (Executive Summary)

  III. Qeexid guud ee shirkadda (General Company Description)

  IV.  Badeecadda iyo adeegyada (Products and Services)

   V.  Nidaamka suuq-geynta(Marketing Plan)

 VI.  Qorshaha shaqo-fulinta (Operational Plan)

VII.  Maaraynta maamulka iyo habayntiisa (Management and Organization)

VIII. Cadayn maaliyadda gaarka loo leeyahay (Personal Financial Statement)

  IX.  Kharashka bilowga iyo Raasamaalka (Startup Expenses and Capitalization)

   X.  Nidaamka maaliyadeed (Financial Plan)

  XI.  Executive summary (shaqada shirkadda oo kooban):

LA SOCO ” ” “ ”


Add New Comment