Isbaheysiga Nabada ayaa sheegay inuu qilaaf horseedayo heshiiskii lagu gaaray Shirkii Wadatashiga ee dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho ee ku aadanaa yareynta tirada Xildhibaanada barlamanaka Soomaaliya.
Kadib Warsaxaafadeed maanta kasoo baxay Isbaheysiga Nabada Soomaaliya islamarkaana ka koobnaa nuqulo kala duwan ayaa waxaa Isbaheysiga uu sheegay in jahwareer iyo qilaaf cusub ay abuuri karto heshiis ku aadan dib u habeynta oo ay gaareen Madaxda dowladda KMG Soomaaliya, waxaana Warsaxaafadeedka lagu shaaciyay tirada lagu heshiiyay in laga dhigo xubnaha barlamanaka iyo qaabka loo qeybsanayo.
Isbaheysiga ayaa sheegay in Madaxda sare ee dowladda ay ku heshiiyaan in tirada barlamanka laga dhigo sadex boqol oo xubnood kuwaasi oo boqol ka mid ah la sheegay in laga soo xulayo TFG-dii hore boqol kalana laga soo xulayo Isbaheysiga dib u xureynta halka sidoo kalana la sheegay in 75-xubnood si gaar ah loo siiyay Maamulka Puntland, waxaana 25-ka soo hartay Isbaheysiga uu sheegay in loo qoondeeyay Maamulka Gal-mudug iyo Ahlu Sunna Waljamaaca.
Gudoomiyaha Isbaheysiga Nabada C/laahi Sheekh Xasan ayaa sheegay in qilaaf iyo jahwareer ay horseedi karto arintaani lagu heshiiyay, waxaana uu sheegay in loo baahanyahay in laga fiijignaado qilaafaadka si dalka uusan marxalad adag u galin.
C/laahi Sheekh Xasan ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in la musuq maasuqay deeqo wax barasho oo dowladda KMG Soomaaliya ay ka heshay qaar ka mid ah wadamada Caalamka kuwaasi oo uu sheegay in loogu tala galay ardayda Soomaaliyeed, isagoo carabka ku dhuftay in aysan jirin Imtixaan laga qaaday Ardayda hase ahaatee dad gaar ah loo dirsaday.
Shirkii wadatashiga ahaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaan laga soo saarin Warmurtiyeed ku aadan qodobadii lagu heshiiyay mudadii Shirka uu socday hase ahaatee markii uu soo dhamaaday Shirka ayaa waxa soo baxayay eedeyn Shirkaasi ay u jeedinayaan qeybaha kala duwan ee bulshada.