Dakada Hobyo oo dib loo howlgaliyay


Iyadoo maalmihii u dambeeyay Maamulada Gal-mudug iyo Ximan iyo Xeeb ay ka wada hadlayeen sidii dib loogu furi lahaa Dakada magaalada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa Mas’uuliinta Maamuladaasi waxa ay shaaca ka qaadeen in maanta ay fureen dakadaasi.

C/laahi Salaad Yaroow oo ah wasiirka gaadiidka, cirka, dhulkka, iyo Isgaarsiinta Maamulka Gal-mudug oo la hadlay Shabelle ayaa waxa uu sheegay in iyaga iyo Maamulka Ximan iyo Xeeb dadaalo dheer kadib ay isku afgarteen in dib loo howlgaliyo Dakada macmalka ah ee degmada Hobyo oo mudo dhowr sana ah howlaheeda hakad ay ku jireen.

Wasiirka waxa uu tilmaamay in waxii maanta ka bilowda ay furan tahay Dakada magaalada Hobyo islamarkaana laga soo dajin karo badeecadaha ka yimaada gobolada dalka Soomaaliya iyo dibada sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wasiirka amniga Maamulka Ximan iyo Xeeb C/laahi Max’ed Cawaale oo isna la hadlay Shabelle ayaa waxa uu sheegay in furitaanka dakadani ay fursad weyn u tahay bulshada Soomaaliyeed gaar ahaa kuwa ku nool gobolada dhexe, isagoo ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed iyo shacabka ku nool deegaanada gobolada dhex inay maal galiyaan Dakada si ay ugu shaqeystaan.

Degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa waxa ay ka mid tahay deegaanada gobolada dhexe ee Soomaaliya oo ay ku dhibaateysan yihiin dadka ay abaarahu saameeyeen, waxana furitaanka Dakadaani ay gacan weyn ka geysan kartaa in dadkaasi si fudud lagu gaarsiiyo gar gaarka bini’aadanimo ee loogu tala galay.


Add New Comment