Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Baaq u Diray Dadka Samafalayaasha


Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in aysan dowladda Soomaaliya u ogolaan doonin dadka Ajaanibta ah e howllaha gargaarka ka wada magaalada Muqdisho in ay ku tallaabaan goobaha ay joogaan maleeshiyaadka kooxda Shabaab.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir mudane Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo waraysi siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in dadka ka soo dagaya garoonka caalamiga ah ee magaalada Muqdisho ee doonaya in ay gargaar u fidiyaan dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan in aan loo ogoleeyn u gudbidda goobaha ay joogto kooxda Shabaab si aysan dadkaasi dhibaato u soo gaarin isagoo dhanka kalena ugu baaqay dadkaasi in ay ka jooggaan meellaha looga digayo.

Tarsan ayaa tilmaamay in dadka Ajaanibta ah ammaankooda ay masuuliyad ka saarab tahay dowladda Soomaaliya maadaama ay dalka oo dhan masuul ka tahay ,isagoo tilmaamay in kooxda Shabaab aysan iska warhayn sidaasi darteedna ay suura gal tahay in dhibaato la gaarsiiyo dadkaasi oo aan xog badan ka haysan araktida kooxda Shabaab.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa farta ku fiiqay in ay il gaar ah u eegi doonaan dhammaan dadka dibaddaha uga imaanaya ka qayb qaadashada howllaha gargaarka oo hada Muqdisho si xooggan uga socda.

Mudane Tarsan aya ug danbeeyntii tilmaamay hadii ay dhibaato soo gaarto dad gargaar wada oo ka tagaya dhanka dowladda Soomaaliya in ay taasi dhaawac ku tahay sumcadda dowladda, isaoo xusay in arrinkaasi ay wax weyn ka qaban donaan.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maalmo ka hor is hortaag ku sameeyay dad samafalayaan ah oo doonayay in aad u gudbaan dhanka maleeshiyada kooxda Shabaab iyadoo laga digtoon yahay in dadkaasi wax yeelo ay soo gaarto.


Add New Comment