
SilGor 9/24/2009 5:00:34 PM
Sheekh Xasan Turki oo ka mid ah madaxda Islaamiyinta ka dagaalama Soomaaliya ayaa sheegay inaysan aqoonsanayn Maamulkii shalay looga dhawaaqay magaalada Kismaayo.Sheekha ayaa sheegay in uu u arko maamulka inuu yahay mid ay sameysteen hal qalo, kaas oo ay isku koobeen al-shabaab oo ka baxay maamulkii wadaaga ahaa ee labada dhinac ay ka sameysteen Jubooyinka