Ciidamada Dowladda KMG oo la wareegay gacan ku heynta magaalada Beledweyne


Ciidamada Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa saakay aroornimadii dib ula wareegay gacan kuheynta magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo ay horey ugu sugnaayeen ciidamada Sheekh Cabdiraxmaan Macow ee dhowaanta ku biiray Ururka Xisbul Islam.

Ciidamada dowladda oo magaalada kasoo weeraray labo jiho ayey waqti kooban rasaas is weydaarsadeen xoogaggii horey ugu sugnaa magaalada, ayadoo intaas kaddibna ay si dhib yar ugu suurtagashay inay la wareegaan guud ahaan gacan ku heynta magaalada.

Sheekh Cabdiraxmaan Macow iyo xoogaggii Xisbul Islam ayaa lagu soo waramayaa inay isaga baxeen magaalda iyaga oo aanan la ogeyn halka ay qabteen, hase ahaatee waxa la soo sheegayaa inay dib isugu soo abaabulayaan meelo ka baxsan magaalada.

Is jiidjiidka magaalada Beledweyne ay soo noqnoqday bilihii ugu dambeeyey, waxaana jirta in marba ay qolo la wareegto gacan ku heynta magaalada taasoo dhibaato ku heysa dadweynaha ku nool magaalada iyo guud ahaan gobolka Hiiraanba.


Add New Comment