
SilGor 10/11/2009 2:40:09 PM
Xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Al-Sayid Camar Muusaa ayaa waddamada Carabta ugu baaqay inay u istaagaan badbaadinta dalka Soomaaliya ee xubinta ka ah Ururka, ayna soo wajahday xaalad bani'aadanimo oo meel qatar ah gaarsiisan, taasoo haddii aan wax laga qaban keeni karta cawaaqib aad u xun.