SilGor 9/12/2009 1:49:14 PM
Mudanayaal ka tirsan Barlamanka KMG ee Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay ku eedeeyeen wasaaradda Maaliyadda ee dowladda KMG in ay lunsatay lacagihii mushaaraadka ee ciidamada dowladda.
SilGor 9/12/2009 11:17:44 AM
Ciidankii Naafada ee shalay Madfaca hoobiyhu uu ku laayey xaruntooda isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta Dowladda KMG ah ay aas qaran ugu sameysay iskuul Buluusiyo ee Magaalada Muqdisho
SilGor 9/10/2009 9:32:15 AM
caqabadaha iyo khilaafka siyaasadeed ee ka jiro Soomalilanad oo aad usii xoogaystay awgeed iyo Mareekanka oo ka xummaaday dib u dhaca ku yimid Doorashooyinkii lagu waday inay ka dhacaan halkaasi ayaa soo ifbaxday waftigan uu horkacayo Axmed Walad Cabdallah inuu yimid Somalilanad bal in wixii
SilGor 9/9/2009 4:54:02 PM
Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta u ambabaxay Magaalada Jabuuti ee Jamhuuriyada Jabuuti, halkaasi uu ugusoo xiri doono tababar u socday muddooyinkaani Ciidamo ka tirsan dowlada KMG ah ee Soomaaliya.
SilGor 9/8/2009 9:46:57 AM
Admiraal Faarax Qare oo ah taliyaha ciidamada badda ee dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa maanta waxaa uu sheegay in ay soo afjarayaa tababarka dufcadii koowaad ee ciidanka badda ee dowladda KMG islamarkaana maanta ay furayaan tababar loo bilaabayo dufcadii labaad.
SilGor 9/7/2009 9:43:29 AM
Wasaarada gaashaandhiga Uganda ayaa shaacisay in loo ogolaaday in ay dagaal ku qaadi karaan Xoogaga mucaaradka ah ee ka soo horjeeda dowlada KMG ah ee Soomaaliya ka dib ogolaansho ay ka heshay Midowga Afrika
SilGor 9/6/2009 11:41:32 PM
Admiral Faarax qare ayaa ubax dhigay taalada caanka ah ee dhagaxtuur halkaas oo ay ku aasan yihiin halgamayaal Soomaaliyeed kuwaas oo mudo 5-daqiiqo loo aamusnaa iyadoo qudbad xasaasi uu halkaasi ka jeediyay admiraalka waxa uu ku sheegay in ay ciidamada Badda ay diyaar u yihiin In ay la wareegaan amaanka guud ee badaha dalka Somalia. Halkaan ka Daawo gaardiskii ciidamada badda oo video ah.
Silgor 9/6/2009 2:53:45 PM
150 askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Nigeria oo horudhac u ah Ciidamada Nabad ilaalinta AMISOM ee ay ugu yaboohday Dowladda Soomaaliya ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho. Dowladda Nigeria ayaa horay ugu yaboohday Dowladda KMG Guuto Ciidamadeeda ah si ay uga qeyb qaataan Howl galka Nabad Ilaalinta Soomaaliya
Silgor 9/6/2009 2:04:35 PM
Dagaal muddo yar socday oo aan qasaare gaysan aayaa saaka subaxnimadii ka dhacay magaalada Beledweyn dhinaca galbeed , tasoo u suurtagalisay xoogagga Xarakada Al-shabaab inay kula wareegaan gacan ku heynta dhinaca galbeed ee magaalada Beledweyne
SilGor 9/6/2009 1:32:09 PM
Wasiirka gaashaandhiga dowladda Uganda Dr Crispus Kiyonga oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Xarunta u ah Ciidamada militarga Cirka ee dalka Uganda ee Entebbe ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in Ururka Midowga Afrika uu u fasaxay ciidamada Uganda in ay weerari karaan mucaaradka
SilGor 9/5/2009 4:55:41 PM
Wasiirka Arrimaha Dibada Cali Axmed Jaamac Jengeli oo shir jaraa'id ku qabtay Aqalka Madaxtooyada ayaa waxaa uu kaga warbixiyay safarkii uu Madaxweynaha Soomaaliya ku tagay dalalka Qadar iyo Isu-taga Imaaraadka wuxuuna yiri safarkaasi guul ayuu kusoo dhammaaday.
SilGor 9/4/2009 4:41:51 PM
Madaxweyne Georgio Napolitano ayaa kaga gudoomay Nuur Cadde warqadaha aqoonsi ee danjirenimo kadib markii ay kulan ku yeesheen madaxtooyada, isagoo ugu hambalyeeya howsha loo dhiibay, wuxuuna sheegay inay garab taagan yihiin Somalia.
SilGor 9/3/2009 9:47:38 AM
Amiirka Al-shabaab Shiikh Mukhtaar Abuu Zubery oo xalay soo dhigay Idaacadaha Muqdisho cajal uu uga hadlayo xaaladaha Maamulka Somaliland isagoo ku sheegay madaxda maamulka Somaliland in ay isku dhiibeen dowladda Ethiopia waxayna gacanta u galiyeen Ethiopia dad badan oo Soomaaliyeed kuwaasi oo haatan ku xiran Xabsiyo ku yaala dalka Ethiopia.







'
World News