Dagaal aad u culus una dhexeeya ururrada Xisbul Islaam iyo Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin ayaa saakay aroornimadii hore ka qarxay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kaddib markii labada dhinaca ay maalmihii lasoo dhaafay hawada isu marinayeen hadallo kulkulul.
Waxa aan weli waxba laga ogaan karin qasaaraha ka dhashay dagaalkan oo ah mid aan waxba laysula harin oo ay xoogaggu isu adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, welina ka socdo gudaha magaalada Kismaayo.
Dagaalka Kismaayo ayaa waxa uu ka dhashay muran xagga maamulka iyo gacan ku haynta magaalada ku saabsan oo soo if baxay maalmihii ugu dambeeyey, kaddibna isu beddelay cagajugleyn ay labada koox hawada isu mariyeen, kama dambeyntiina saakay u xuub siibtay gacan ka hadal.