Dowladda Talyaaniga oo ka mid ah dalalka ku jira Midowga Yurub ee sida aadka ah u taagera Dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegtay inay taageero lacageed oo dhan 4 million oo Euro oo deeq ah ay gaarsiineyso dowladda Soomaaliya.
Talyaaniga ayaa sheegay in lacagtani loogu tala galay in wax lagaga qabto ammaanka gudaha dalka Soomaaliya iyo tababarrada ciidamada Dowladda KMG ee Soomaaliya si ay wax uga qabtaan soo celinta xasiloonida iyo kala dambeynta.
Mr. Franco Frattini oo ah wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Talyaaniga ayaa sidoo kale waxa uu beesha caalamka ugu baaqay in la soo dedejiyo bixinta lacagihii hore loogu ballan qaaday Dowladda KMG ee Soomaaliya, kaddib shirkii kol hore lagu qabtay magaalada Brussels ee waddanka Belgium.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu caddeeyey sida dalkiisu uga go'an tahay sii wadidda taageerada ay siiyaan Dowladda KMG ee Soomaaliya, mar dhowna ay dowladda dalka Talyaanigu bixin doonto dhammaan lacagihii ay ballan qaadday.
Dowladda KMG ayaa heysata ballan qaadyo fara badan oo ay beesha caalamku ugu ballan qaadday deeqo lacageed oo aaad u fara badan, hase ahaatee waxaa dowladda Soomaaliya soo gaaray oo keliya qaybo aad u yar oo lacagahaasi la ballan qaaday ka mid ah.