Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo sheegay inay soo badbaadiyeen markab ganacsi


Gelinkii dambe ee maalinnimadii shalay ayaa waxa uu markab ganacsi oo lagu magacaabo MV Barwaaqo una rarnaa ganacsato Soomaaliyeed uu ka badbaaday weerar ay ku soo qaadeen kooxo burcad badeed Soomaali ah, kaddib markii ay markabka dushiisa soo fuuleen, taasoo ka dhacday meel aan sidaas uga fogeyn dekedda weyn ee magaalada Muqdisho.

Markabkan oo watay calanka Suuriya ayaa waxa lagu soo warramayaa inay u gurmadeen ciidamo ka wada tirsan Dowladda KMG iyo ciidamada Midowga Afrika (AMISOM) oo rasaas huwiyey burcaddii markabka soo weerartay, ayadoo markii dambena ay burcad badeeddii  halkaasi ku dileen kabtankii watay markabka kaddib markii uu diiday inuu markabka dib u weeciyo.

Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed General Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa sheegay in ciidamada boliisku ay soo badbaadiyeen markabkaas kaddib howlgal hubeysan oo ay kaga hor tageen kooxda burcad badeedda.

Isku daygan ayaa waxa uu yimid xilli ay beryahan dambe kooxaha burcad badeeddu kordhiyeen weerarrada ay ku qaadaan maraakiibta ganacsi ee mareysa xeebaha Soomaaliya, hase ahaatee ay inta badan weerarradoodaasi ay ku dhammaadaan fashil.



Add New Comment