Ciidamo uu wato Sheekh Axmed Madoobe ayaa xalay soo gaaray magaalada Kismaayo


Warar lagu kalsoonaan karo oo naga soo gaaray  magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe ay magaalada soo gaareen ciidamo xooggan oo uu hoggaaminayo Sheekh Axmed Madoobe, kuwaasi oo magaalada kasoo galay labo jiho.

Ciidamadan soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa sida la sheegay ka wada tirsan Ururka Xisbul Islaam oo ay ku mideysan Mucaskarka Kambooni iyo Caanoole.

Waxa kale oo ay wararku sheegayaan in xoogaggii Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin ee ku sugnaa magaalada Kismaayo aanay isku dayin inay wax is hortaag ah ku sameeyaan ciidamada uu wato Sheekh Axmed Madoobe ee Ururka Xisbul Islaam.

Wararkii ugu dambeeyeyna waxay sheegayaan in saraakiishii iyo ciidamadii Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin ayaa si nabadgelyo ah magaalada dibedda uga baxay, ayagoona haatan ku sugan degaanka Goobweyn ee duleedka magaalada.

Xaaladda guud ee magaalada Kismaayo ayaa deggan, ayadoo isla mar ahaantaana ay jirto cabsi ku aaddan in khilaafka soo if baxay ee u dhexeeya xoogagga Islaamiyiinta ee ayagu markii hore ku wada sugnaa magaalada uu isu beddelo gacan ka hadal.


Add New Comment