SilGor 9/2/2010 12:55:41 PM
Waxa magaalada Nairobi ee waddanka Kenya war-saxaafadeed kasoo saaray wakiilka dowladda Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Matt Baugh, kasoo uu si weyn ugu cambaareeyey dagaallada ka dhacaya magaalad Muqdisho ee sababay dhimashada
SilGor 9/2/2010 11:39:42 AM
Wafdi sare oo ka socda Qaramada Midoobay uuna hoggaaminayey Kaaliyaha Xoghaya Guud ee Arrimaha Siyaadda B. Lynn Pascoe ayaa shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya la kulmeen madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif
9/1/2010 2:44:15 PM
Afhayeen u hadlay maamulka Gobolka Banaadir ee Xarraka Al Shabaab ayaa suuqa Bakaaraha kusoo bandhigay laba baabuur oo Ambalaasyo oo lagu qaadi doono dhaawacyada ka dhasha dagaallada ka socdo magaalada Muqdisho.
SilGor 8/31/2010 2:18:44 PM
Waxa qaraxii maanta ka dhacay waddada warshadaha ee magaalada Muqdisho dadkii ku geeriyooday ka mid ahaa Allaah ha u naxariistee marxuum Eng. Idiris Sheekh Cabdi oo ahaa injineerkii ugu sarreeyey Shirkadda Isgaarsiinta Olympic.
SilGor 8/31/2010 7:48:49 AM
Taliyaha Guud ee Ciidamada dalka Uganda Gen. Aronda Nyakairima ayaa sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu Soomaaliya u soo diro ciidamo dheeraad ah oo gaaraya 10 kun oo askari oo ka qayb qaata howlaha nabadda ee ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.
SilGor 8/31/2010 7:05:11 AM
Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa lagu soo warramayaa inay maanta deggan tahay, kaddib markii siddeedii maalmood ee la soo dhaafay ay si is dabajoog ah uga dhacayeen dagaallo iyo duqeymo culus oo ay dad badani ku naf waayeen, kuwo kale oo fara badanina ku barakceen.
SilGor 8/30/2010 11:49:30 AM
Ilaah ha u naxariistee waxa galabta magaalada Muqdisho ku geeriyootay marxuumad Madiino Aweys Macloow, kaddib markii uu xabbad ku dhuftay nin dembiile ah oo ay marxuumadda qaraabo ahaayeen oo ay arrimo gaar ah ku murmeen.
SilGor 8/30/2010 10:46:39 AM
Dagaalladii magaalada Muqdisho ee u dhexeeyey ciidamada Dowladda KMG, Ahlu Sunna iyo AMISOM oo isku dhinac ah iyo kuwa Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin iyo Xisbul Islaam oo dhinaca kale ah ayaa galay maalintii 8-aad, waxayna dagaalladu maanta ka soconayeen qaybaha waqooyi ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan
SilGor 8/30/2010 10:33:56 AM
war deg deg ah oo naga soo gaaray magaalada Moqdishu,waxa uu sheegayaa in 4 askari oo ka mid ah ciidamada AMISOM ay dhinteen qaar kalana ay ku dhaawacmeyn markii Al Shabaab ay Madaafiic ku duqeeyeen gudaha Villa Soomaaliya .
HOL 8/30/2010 10:19:26 AM
Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh ayaa warsaxaafadeed uu maanta soo saaray kaga codsaday beesha caalamka inay gacan ka siiyaan dagaalka ay dowladdiisu kula jirto Xarrakatul Shabaab iyo Xisbul Islaam.
SilGor 8/29/2010 6:28:54 PM
Dagaalada galabta ka dhacay degmada Hodon ee gobolka Banaadir ayaa Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ay kula wareegeen gacan ku heynta Mowlicii Macalin Nuur oo Ciidamada AL Shabaab ay ka qabsadeen shalay ciidamada Culumaa’udiinka Ahlu Sunna
SilGor 8/29/2010 1:24:03 PM
Afhayeenka Golaha Odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa ka hadlay dagaalada weli kasoconaya Magaalada Muqdisho ee ay wadaan ururka Alshabaab oo ay ku doonayaan in ay kula wareegaan xarumaha ugu waaweyn ee Dowladda
SilGor 8/28/2010 11:56:34 AM
Mas'uul u hadlay xukuumadda Ethiopia ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisu uusan haatan diyaar u ahayn inuu ciidamo u soo diro gudaha waddanka Soomaaliya oo ay beryahani dagaallo xooggani ku dhex marayaan ciidamada Dowlawlad iyo AMISOM oo isku dhinac ah iyo kuwa Al Shabaab iyo Xisbul Islaam oo dhinaca kale ah.







'
World News