SilGor 8/28/2010 9:43:51 AM
Ciidamada Dawladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta howlgallo ka billaabay qaar kamid ah Xaafadaha degmooyinka Xamar Jab jab iyo Waaberi ee gobolka Banaadir oo ka mid ah degmooyinka ay maamusho Dowladda KMG ee Soomaaliya.
SilGor 8/28/2010 9:17:53 AM
Guddoomiyaha Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin ee gobolka Banaadir Sheekh Cali Maxamed Xuseen ayaa manta saxaafadda maxaliga ah ee magaalada Muqdisho qaarkood kula hadlay Mowlaca Macallim Nuur ee xaafadda Siigaale ee degmada Hodan oo shalay ay
SilGor 8/28/2010 8:19:44 AM
Maalintii lixaad oo xiriir ah ayaa waxa magaalada Muqdisho ka soconaya dagaallo qaraar oo u dhexeeya cidamadaDowladda KMG, Ahlu Sunna iyo AMISOM oo dhinac ah iyo Xaraktul Shabaab iyo Xisbul Islaam oo dhinaca kale ah.
SilGor 8/27/2010 8:57:18 PM
Dagaal xooggan oo ka dhacay galabta inta u dhaxeysa isgoysyada Dabka iyo Suuqa Bakaaraha ayaa Al shabaab waxaa ugu suurtagashay inay la wareegto fariisamihii ay ku lahaayeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna.
SilGor 8/26/2010 8:01:51 PM
Caawa maqribnimadii markii cuntadii la diyaariyay si loo afuro ayaa dhawaaqa rasaasta iyo Madaafiicda Taangiga mar keliya ka bilowatay agagaarka Isgoyska Nasiibuundo halkaas oo dagaal ay isku farasaareen xarakada Al Shabaab iyo ciidamada Dowladda + AMISOM
SilGor 8/25/2010 10:39:08 AM
Gurmad ciidan oo xoog badan ayaa soo gaaray xarakada Al Shabaab iyo Xisbul Islaam waxayna rabaan inay qabsadaan waddada Maka Al-Mukarama oo ah wadada kaliya ee ay isticmaalaan Madaxda Dowladda KMG ah ee Soomaaliya.
SilGor 8/25/2010 8:59:20 AM
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli ayaa caddeeyay 31-kii ruux ee ku dhimatay shalay Hotelka Muna, 4 ka mid ah inay ahaayeen Xildhibaano ka tirsanaa barlamaanka Dowladda KMG ah ee Sooomaaliya
SilGor 8/24/2010 9:13:57 PM
Madaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa uu dhammaan ciidamada qalabka sida ugu baaqay inay dagaal xoggan ay kaga hortagaan Xarakada Alshabaab Al Mujaahidiin iyo Xizbul Islaam.
SilGor 8/24/2010 8:16:24 PM
Xarakada Al shabaab ayaa sheegatay inay ka dambeeyeen weerarkii maanta lagu qaaday Hotel Muna oo ku yaal halkii la oran jiray Yoobsan ee magaalada Muqdisho, Hotelkaasi waxaa degenaa dad ay ka mid yihiin Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka iyo Saraakiisha
SilGor 8/24/2010 5:53:11 AM
Xildhibaano ka tirsanaa barlamaanka dowladda KMG ah iyo Gannacsato ku noolaa Hotelka MUNA ee degmada X/weyne ayaa Al Shabaab rasaas iyo isku qarxinba ku dilay ilaa 30 ruux oo lix xildhibaano ah lix xildhibaan kalana waa dhaawac.
SilGor 8/24/2010 5:15:13 AM
Tangiyada iyo gawaarida gaashaaman ee Ciidamada AMISOM ayaa si rahan rahan ah ugu soo dhaqaaqay dhanka waddada Maka Al-Mukarama si ay difac adag kaga galaaan waddadaasi kadib markii ciidamadii safka hore ka dagaalamaayay ee dowladda KMG ah iyo Kuwa Ahlu sunna dib loosoo riixay.
SilGor 8/23/2010 1:04:32 PM
Galabnimadii maanta ayaa dagaal saf ballaaran ah waxa uu ka bilowday degmooyinka Hodan H/wadaag iyo Boondheere ,dagaalka waxaa isku haya Dowlada KMG ah, Ahlusunna iyo AMISOM oo kasoo horjeedaan Xooggaga Mucaradka hubaysan, dagaalku waa mid aad u culus waxaana laysku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan
SilGor 8/23/2010 12:37:07 PM
Guddoomiyaha degmada Xamarjajab C/baasid Maxamed Xasan ayaa saxaafadda usoo bandhigay miino laga soo saaray waddada iyo meydt wiil dhallinyar oo uu sheegay inay dishay miino uu wadadada ku aasayey, waxaa kale uu guddoomiyuhu saaxafadda usoo bandhigay wiil ka tirsanaa kooxaha kasoo horjeeda Dowladda







'
World News