SilGor 9/22/2010 10:28:52 AM
Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Angoola George Chikoty oo ka hadlayey kulanka 65-aad ee wasiirada arrimaha dibedda ee dalalka adduunka uga socda xarunta Qaramada Midoobay uga soconaya magaalada New York ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay inuu
SilGor 9/22/2010 9:47:45 AM
Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamo Ethiopian ah oo fara badan, kuna hubeysan gaadiidka dagaalka ay soo galeen degaanka Kalabeyrka, halkaasoo ay hadda ka wadaan dhaqdhaqaaq ciidan.
SilGor 9/22/2010 9:18:25 AM
Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi la socday ayaa ka dhoofay dalka, ayagoo ku sii jeeda magaalada New York ee waddanka Mareykanka halkaasoo ay kaga qaybgeli doonaan shir-madaxeedka Golaha Guud ee Jimciyadda Quruumaha ka dhexeysa.
SilGor 9/21/2010 5:36:28 AM
Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ra'iisul-wasaarihii xukuumadda KMG ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharma’arke uu iska casilay maanta xilkii uu ka hayey xukuumadda, kaddib khilaaf xooggan oo muddo u dhaxeeyay isaga iyo madaxweyne
SilGor 9/20/2010 4:41:42 PM
Dowladda KMG ee Soomaaliya iyo Ururka Xisbul Islaam ayaa guulo ka kala sheegtay dagaallo xooggan oo ay barbar socdeen madaafiic culus oo maanta labada dhinac ku dhexmaray xafado ka tirsan degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.
SilGor 9/20/2010 4:15:59 PM
Guddomiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa maanta shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho ku sheegay in ururkiisu uu si rasmi ah ula wareegay idaacadda iyo telefishinka GBC oo ka mid ah warbaahinta madaxabannaan ee ka jira Muqdisho.
SilGor 9/18/2010 9:01:08 AM
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya sheekh shariif Sheekh Axmed iyo wafdigii la socday ayaa dalka dib ugu soo laabtay saakay, kaddib markii ay soo dhammeysteen booqasho gaaban oo ay ku tageen magaalada Kampala ee dalka Uganda.
SilGor 9/17/2010 6:02:12 PM
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayagoo ku sii jeeda magaalo-madaxda waddanka Uganda ee Kampala.
SilGor 9/16/2010 7:43:52 PM
Waxaa maanta xarunta baarlamaanka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho looga dooday mooshin ka dhan ah xukuumadda Cumar C/rashiid waxaana loo codeeyay in xukuumaddu ay kalsooni weydiisato
SilGor 9/15/2010 3:52:16 PM
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta qudbad uu kaga hadlay muranka ka dhashay qoraalka dastuurka qabyada ah ka horjeediyay kulan ay xildhibaannada baarlamaanku ku yeesheen Xarunta Golaha Shacabka
SilGor 9/15/2010 7:44:31 AM
Inta badan gobollada koonfureed ee Soomaaliya ayaa waxa maanta ka dhacay dibadbaxyo ay soo abaabuleen maamullada Xarakatul Shabaab Al Mujahidiin, kuwaasoo lagaga soo horjeedo baadariga Mareykanka ah ee dhowaantan ku dhawaaqay inuu gubayo kutubka Qur'aanka
SilGor 9/15/2010 6:49:51 AM
Xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa waxa uu maanta shir uga socdaa mudanayaasha xubnaha ka ah Barlamaanka KMG ee Soomaaliya, ayadoo sida lagu soo warramayo uu kulankaasi ka qayb galayo Madaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaaliya
HOL 9/14/2010 3:54:29 PM
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Talaado ah dib ugu laabtay Muqdisho, iyadoo ra'iisul wasaaruhu uu durba kulan la qaatay xildhibaanno iyo wasiirro ka tisran dowladda.







'
World News