TACSI - Geerida naxdinta leh ee marxuum Eng. Idiris Sheekh Cabdi


inaalilaahi[1].jpg

Waxa qaraxii maanta ka dhacay waddada warshadaha ee magaalada Muqdisho dadkii ku geeriyooday ka mid ahaa Allaah ha u naxariistee marxuum Eng. Idiris Sheekh Cabdi oo ahaa injineerkii ugu sarreeyey Shirkadda Isgaarsiinta Olympic.

Geerida naxdinta leh ee marxuum Idiris Sheekh Cabdi Allaah naxariistii jano ha siiyee ayaa waxa la ogeysiinayaa dhammaanba eheladiisa iyo asxaabtiisa oo kala jooga dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba.

Xubnaha Ururka I. SilGor waxay tacsi tiiranyo leh u dirayaan carruurtii, eheladii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday marxuum Eng. Idiris Sheekh Cabdi, asagana waxay Allaah uga baryayaan in ka waraabiyo jannadii Fardowsa.

AAMIIN - AAMIIN - AAMIIN - AAMIIN - AAMIIN.

Add New Comment