SilGor 9/13/2010 1:45:35 PM
Markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada badda Midowga Yurub ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ayaa dekedda magaalada Muqdisho u soo gelbiyey maraakiib xamuul oo hub u siday ciidamada Midowga Afrika ka jooga Soomaaliya ee AMISOM.
SilGor 9/12/2010 8:01:16 PM
Waxaan hambalyo hawada u marineynaa Axmed Jeylani Xasan iyo Nasiila Naasir Xasan oo ay gabari ugu dhalatay magaalada Besancon ee waddanka Faransiiska, gabartaas oo loogu magac daray Sooniya Axmed Jeylaani, sidoo kale waxa loo hambalyeynayaa dhammaan qoyska reer Jeylaani Xasan Xaaji & Marayan Xasan Saalax.
9/12/2010 7:46:49 PM
Ruquyo Cali Cabdulle oo ah Gudoomiyaha Ururka Haweenka Hanad ayaa maanta war baahinta u Sheegtay in xeebta Jasiira ee duleedka Muqdisho ay ku soo caarisay Haan xiran oo la garanaynin waxa ku jira,balse waxaan rumeeysa nahay in ay ku jirto walxo sun ah.
SilGor 9/11/2010 10:04:48 PM
Al Shabab oo qiratay inay ka dambaysay,laba qarax miino oo aad u xoogan ayaa maanta waxa ay ka kala dhaceen degmooyinka waaberi iyo Xamar weyne kuwaasi oo lala beegsaday Ciidamo katirsan dowladda KMG ah Soomaaliya iyadoo qaraxyadaasi midkood lala helay gaarigii lala beegsanay
SilGor 9/10/2010 7:11:53 PM
Xoghaynta warsidaha silgor.com waxay hawada usoo marinayaan akhristayaasheeda sharafta leh meel kasta oo ay dunida ka joogaan hambalyo ku aadan farxadda Ciidda Soonfur waxaynu shacabka Soomaaliya Allaah uga barinay inuu siiyo Nabad iyo Nolol wannaagsan . Aaamiin !!
SilGor 9/9/2010 9:12:38 AM
Waxa Muslimiinta deggan magaalada St. Paul ee gobolka Minnesota iyo agagaaraheeda la ogeysiinayaa in salaadda Ciidda lagu tukan doono goobta weyn ee St. Paul Convention Center ee isla magaaladaasi.
SilGor 9/9/2010 8:50:27 AM
Laba qarax oo aan waxba u dhaxeynin oo ismiidaamin ahaa ayaa goor dhaweyd ee maanta lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Muqdisho, iyadoo labadaasi qarax ay fuliyeen naftii hurayaal watay
HOL 9/8/2010 11:39:32 PM
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid iyo xubno ka socda beesha caalamka, gaar ahaan midowga Yurub,ayaa kulan ay albaabbadu u xiran yihiin Nairobi ku yeeshay waxeyna ka wada hadleen xalaadda ay Soomaaliya ku sugan tahay waxyna diiradda saareen xaaladaha siyaasadda, ammaanka iyo bani'aadamnimada,
SilGor 9/7/2010 11:50:57 PM
Dagaalo xoogan oo laysku adeegsanaayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ka qarxay xalay saxuurta marki loo kacay wadada dheer ee Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdishu,waxaa sidoo kale jiray dagaal galabta ka dhacay Waqooyiga Muqdisho oo ay guulo ka sheegteen Xarakada Al shabaab
HOL 9/7/2010 11:28:10 PM
Afhayeen u hadlay Hay'adda UNCHR ee Qarammada Midoobay u qaabilsan Qoxootiga ayaa sheegtay in 230-qof oo shacab ah ay ku dhinteen dagalladii toddobaadyada ku dhexmarayay Muqdisho ciidammada Dowladda KMG ah ,AMISOM iyo Al Shabaab
HOL 9/6/2010 11:44:14 PM
Sarkaal ka tirsan Qarammada Midoobay ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay isku diyaariso sidii ay kula wareegi lahayd dalka oo dhan, iyadoo la ogyahay in gobollada koonfureed iyo muqdisho inteeda badan ay gacanta ku hayso Xarrakada Al Shabaab iyo Xisbul Islaam.
SilGor 9/4/2010 6:33:25 PM
Maamulka Al shabaab ee magaalada Beledweyne ayaa meel fagaro ah kaga jray gacmaha labo wiil oo dhalinyaro ah oo da'dooda lagu qiyaasay 20 iyo 25 marki lagu soo eedeeyay inay alaabo ka xadeen goob ganacsi oo ku taala suuqa magaalada Beledweyn.
SilGor 9/3/2010 12:20:04 PM
Waxa Muslimiinta deggan magaalada St. Paul ee gobolka Minnesota iyo agagaaraheeda la ogeysiinayaa in salaadda Ciidda lagu tukan doono goobta weyn ee St. Paul Convention Center ee isla magaaladaasi.







'
World News