Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo Beesha Caalamka kala hadlay xaaladda uu dalku ku sugan yahay

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke ayaa gallinkii dambe ee shalay kulan kula yeeshay Nairobi xubno ka tirsan beesha calaamka, kuwaasoo uu kala hadlay xaaladda dalka uu ku sugan yahay.

"Waxaa kulan ay albaabbadu u xiran yihiin Nairobi ku yeeshay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid iyo xubno ka socda beesha caalamka, gaar ahaan midowga Yurub, wuxuuna kala hadlay xalaadda uu dalka ku sugan yahay," ayuu yiri Maxamed Cismaan Aadan (Edson) oo ah qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Nairobi.

Edson, ayaa sheegay in ra'iisul wasaaraha iyo xubnaha uu kulanka la qaatayay ay diiradda saareen xaaladaha siyaasadda, ammaanka iyo bani'aadamnimada, ayna xubnaha ka socday midowga Yurub ballanqaadeen inay gacan kasiin doonaan DKMG ah soo celinta ammaanka guud ee dalka.

Qunsulku, wuxuu sheegay in sidoo kale kulanka lagu soo qaaday dastuurka cusub ee uu khilaafku ka dhashay, kaasoo ay labada dhinac si wanaagsan iskula fahmeen, laguna wado in mar kale ay ka hadlaan.

Ra'iisul wasaare Sharma'arke ayaa sheegay inuu Nairobi u joogo sidii uu klammo ula qaadan lahaa beesha caalamka, uuna kala hadli doono waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin mushaaraadka ciidamada iyo meelmarinta dastuurka cusub ee qabyada ah.

Dastuurka cusub ee dhawaan lasoo bandhigay ayaa wuxuu khilaaf xooggan dhex-dhigay madaxweyne Sheekh Shariif iyo ra'iisul wasaare Sharma'arke, sidoo kalena wuxuu kala qaybsanaan ku keenay xildhibaannada barlamaanka Soomaaliya.

Add New Comment