SilGor 10/3/2010 9:33:18 AM
Afhayeenka Al Shabaab Abuu-muscab oo ka hadlay dagaallada ay kula jiraan ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM waa uu sheegay inay fashiliyeen qorshe ay ciidammadaaasi ku doonayeen inay ku qabsadaan aagagga ay ku sugan yihiin ciidamada mujaahidiinta.
SilGor 10/2/2010 5:08:03 PM
Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho,waxuuna ka warbixiyay safarkii uu kusoo maray Mareykanka, Spain, Itoobiya, Jabuuti iyo Kenya.waxuu sheegay magacaabista R/wasaaraha inuu kala tashan doono xidhibaannada
SilGor 10/1/2010 7:23:24 PM
Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo dhigiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar ayaa kulankooda wadatashiyada dowladaha Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa waxay ay ka wadahadleen qofka noqon kara Ra’iisul wasaarahaasi cusub ee Soomaaliya.
SilGor 9/30/2010 7:48:26 PM
Mudane Goonjeex iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa maanta Kormeer Howleed ku tagay Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho,waxay mid mid u galeen Qeybaha ay ka kooban tahay Dekadda iyagoo ku soo wareegay guud ahaan Bakhaaradii lagu kaydin jiray Waxyaabaha
HOL 9/30/2010 7:05:02 PM
Hoggaamiyaha Al Shabaab Axmed Cabdi Godane, ayaa ka hadlay weerar diyaarad nooca qumaatiga u kaca ahi ay ku qaadday Guri ay ku shirayeen masuuliyiin ka tirsan Al-Shabaab, waxaanu sheegay in uu ka mid ahaa hoggaamiyayaasha Guriga ku shirayey.
SilGor 9/28/2010 10:28:08 AM
Taliyaha Ciidamada Badda Soomaaliyeed Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare) ayaa sheegay in ciidamada badda Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ay dhowaan billaabi doonaan howgallo ay kula dagaalamayaan kooxaha burcad-badeedda Soomaalida ah.
HOL 9/28/2010 10:07:50 AM
Shir socday laba maalmood oo ka dhacay magaalada Madrid ee dalka Spain, loogana hadlay arrimaha dalka Soomaaliya ayaa maanta lasoo gabagabeeyay, iyadoo laga soo saaray warsaxaafadeed ka kooban toddoba qodob.
SilGor 9/28/2010 9:50:58 AM
Dowladda Spain ayaa waxa ay mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda KMG ee Soomaaliya guddoonsiisay lacag loogu talagalay in lagu tababaro ciidamada badda Soomaaliyeed, ayada oo uu hadda socdo shir caalami ah oo lagaga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo ka dhacaya magaala-madaxda dalkaasi ee Madrid.
SilGor 9/27/2010 8:42:21 PM
Maraykanka iyo Midowga Yurub Saraakiil u hadashay waxay iska fogeeyeen inay Diyaarad ku weerareen dalka Soomaaliya magaalada Marka ee Xarunta u ah Gobolka Sh/hoose.Saraakiishaasi waxay si wada jir ah u beeniyeen inay ku lug leeyihiin Weerarkaasi
HOL 9/26/2010 8:17:36 PM
Diyaarad nooca qummaatiga u kaca ah oo la rumeysan yahay inuu leeyahay Mareykanka ayaa gantaal ku weerartay guri ku yaalla degmada Marko ee xarunta gobolka Shbeellada hoose, kaasoo la sheegay inay ku suganaayeen saraakiil ka tirsan Al Shabaab
SilGor 9/25/2010 7:50:47 AM
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay qorsheyneyso sidii ay u xoojin lahayd xiriirka wada-shaqeyneed ee ay la leedahay maamullada ka jira Soomaaliland iyo Puntland si loogaga hortago fididda afkaarta xoogagga hubeysan ee dagaalka kula jira Dowladda Soomaaliya.
HOL 9/24/2010 11:07:49 AM
Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay Ban Ki-Moon, ayaa si wadajir ah u guddoomiyay kulan xalay lagu soo gabgabeeyay Magaalada New York ee dalka Mareykanka, kaasoo looga hadlayay
SilGor 9/23/2010 3:40:45 PM
Taliye ku xigeenka xoogga dalka ayaa saxaafada u soo bandhigay meydadka kooxihii ka soo horjeeda iyo qoryo gacmeedyo isugu jiray AK47 iyo BKM oo ay ka qabsadeen mucaaradka, iyadoo Al Shabaabna sheegatay in dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ay ku dileen ilaa 10 askari oo ka tirsan AMISOM







'
World News