Sheekh Xasan Daahir Aweys oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho


Guddomiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa maanta shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho ku sheegay in ururkiisu uu si rasmi ah ula wareegay idaacadda iyo telefishinka GBC oo ka mid ah warbaahinta madaxabannaan ee ka jira Muqdisho.

Sheekh Xasan Daahir ayaa sheegay in wixii maanta ka dambeeya ay idaacaddu ku hadli doonto afka Ururka Xisbul Islaam, asagoona intaa raaciyey inuu maamulkii idaacadda uga mahadcelinayo ku wareejinta ay ku soo wareejiyeen maamulka idaacadda GBC.

Intii uu socday shirkaasi jaraa'id ayaa waxa Sheekh Xasan Daahir garab fadhiyey maamulihii idaacadda iyo televisionka GBC ee magaalada Muqdisho, asagoona sheegay inay maamulkii idaacadda ku wareejiyeen Ururka Xisbul Islaam.

Shirka jaraa'id ee uu Sheekh Xasan Daahir ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku soo beegmay xilli habeennimadii xalay ay ciidamo ka tirsan kuwa Xisbul Islaam la wareegeen gacan ku heynta xaruntii Idaacadda iyo Televisionka GBC ee magaalada Muqdisho.

Arrinta ku saabsan la wareegidda Idaacadaha madaxa bannaan ee magaalada Muqdisho ayaa beryahan dambe ahayd mid isa soo tareysa, ayadoona horey loola wareegay idaacaddii Soomaali weyn iyo tii u dambeysay ee Horn Afrik oo sida la sheegay dabley aan heybtooda la garaneyn ay xoog kaga qaateen dhammaan wixii qalab ahaa ee ay ku howlgali jireen.

Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa dhankeeda cambaareysay la wareegidda xoogga lagula wareegayo idaacadaha madaxa bannaan ee ka howlgala magaalada Muqdisho, ayagoona intaasi ku daray in marka soo socdana ay suurtagal tahay in lala wareego shirkadaha isgaarsiinta iyo xawaaladaha.




Add New Comment