Mudanayaasha Barlamaanka oo maanta ku shiraya xarunta Golaha Shacabka ee magaalad Muqdisho


Xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa waxa uu maanta shir uga socdaa mudanayaasha xubnaha ka ah Barlamaanka KMG ee Soomaaliya, ayadoo sida lagu soo warramayo uu kulankaasi ka qayb galayo Madaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.


Kulankan ayaa lagu soo warramayaa in aan lagu soo qaadi doonin mooshinka ka dhanka ah Xukuumadda ra'iisul wasaare Cumar Cabdirashiid, balse lagaga arrinsan doono howlo kale oo barlamaanka horyaalla iyo warbixinno.

Maalinimadii shalay ayey ahayd markii uu dib u dhacay kulan la doonayey in xukuumadda Soomaaliya lagu horkeeno barlamaanka si ay kalsooni u weydiisato, ayadoona uu jiro qilaaf xooggan oo u dhexeeya madaxda sar sare ee dowladda KMG.



Add New Comment