Xildhibaannada baarlamaanka oo isku raacay in xukuumada ay kalsoonida weydiisato baarlamaanka




Waxaa maanta xarunta baarlamaanka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho  looga dooday mooshin ka dhan ah  xukuumadda Cumar C/rashiid waxaana loo codeeyay in xukuumaddu ay kalsooni weydiisato baarlamaanka


  Gudoomiye kuxigeenka baarlamaanka C/wali Muudey ayaa Xildhibaano gaaraya ilaa 300 ruux  ugu baaqay inay u codeeyaan in xukuumada codka kalsoonida soo weydiisan karto iyo in kale, waxaana si gacan taag loo ansixiyey in  Xukuumada kalsooni soo weydiisato kadib markii ay ogolaatay 296-mudane oo so xaadiray kulankasi.
 

 
 Marka ay dhammaatay gacan taaga kuna guulaysteen xildhibaanada doonayay in xukuumadda ay soo waydiisato kalsoonida , aya waxa Xukuumada loogu baaqay in muddo saddex cisho ah ku soo weydiisato Baarlamaanka codka kalsoonida, taasoo loo balansan yahay .
 
 
 Mooshinka laga keenay xukuumadda ayuu ra'iisul wasaaruhu horay ugu sheegay inuu yahay mid siyaasadeed, waxaana uu shalay ku tilmaamay inuu kalsoonida weydiisato baarlamaanka mid sharciga aan waafaqsanayn.
 
 Khilaaka siyaasadeed ee xukuumaddu ay ku jirto ayaa u muuqda mid aan si sahal ah ku dhammaanayn, iyadoo beesha caalamka ay dhankeeda walaac ka qabto in khilaafkani uu burburiyo xukuumadda 4ta KM ay ku ilaaliso ammaankeeda askar  ka hayso AMISOM.

Add New Comment