Madaxweyne Shariif ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka inay u gar gaaraan shacabka Soomaaliyed oo abaarta ku dhufatay



Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif, ayaa ka hadlay abaaraha dalka ka taagan, wuxuuna beesha caalamka ugu baaqay inay gargaar lasoo gaarto shacabka Soomaaliyeed ee abaaruhu waxyeellada u geysteen, wuxuuna sheegay roob la'aantu inay saameysay nolosha Dadka ,Xoolaha iyo Beeraha.


Wareysi uu si gaar ah u siiyay VOA-da Madaxweyne Sheekh Shariif Sannadka cusub 2011 waxa uu hambalyo VOA-da u marsiiyay shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan, wuxuuna si kooban kaga warbixiyay dowladda Soomaaliya waxi u qabsoomay,waxa uu sheegay in dowladdu ay si buuxda uga howlgashay magaalada  Mugadisho , sidooo kale waxaa  dib u habeyn lagu sameeyey ciidammada dowladda iyo howlaheeda oo howshoodu hadda ay dhammaad ku dhawdahay,kadibna waxa uu sheegay in dib loosoo celin doono ammaanka iyo kaladambeynta dalka.

Sheekh Shariif waxa uu ka jawaabay Su'aal ahayd, waxa u qorsheysan marka uu xilliga KMG ah dhammaado, wuxuuna yiri waxaa noo qorsheysan arrin ay isku raacsan yihiin siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed oo ah sidii loogu gudbo lahaa xilli dowlad dhameystiran ay shaqeyso,waayo qof walba oo Soomaali ah wuu jecel yahay in laga baxo xilliga KMG ah, loona gudbo xilli dhameystiran, dowladduna waxay waddaa qorshayaashii iyo habkii loogu gudbi lahaa xilli dhameystiran.

Waxa kaloo ka jawaabanay  su'aal ahayd xilliga madaxweynaha inuu ku eg-yahay dhamaadka bishan, wuxuuna  sheegay in taasi ay tahay mid aan xilligan adag ayan taagneyn, oo baarlamaanka KMG ah iyo dowladdu ayan meelna kuma kala harayaan .

Ugu dambeystii Madaxweynaha ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab dagaalada joogta ah ay ka wadaan dalka iyo inay hor taagan yihiin gar gaarka dadka dhibaateysan, waayo waxay hortaagan yihiin una diideen inay howlgalaan  hey'adihii gar gaari lahaa shacabka dhibaateysan ee ku nool koofurta dalka Soomaaliya.

Add New Comment