Sheekh Mukhtaar Roobow (Abuu-Mansuur)oo ku baaqay in la xoojiyo dagaallada lagula jiro dowladda iyo AMISOM


Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu-Mansuur), oo maanta ka hadlay muxaadaro ka dhacday degmada Baydhabo ee gobolka Bay, ayaa ku baaqay in la xoojiyo dagaallada lagula jiro dowladda Soomaaliya iyo ciidammada AMISOM, isagoo shacabka ugu baaqay inay dagaallada ka qaybqaataan.

“Mujaahidiinta, waxaan ugu baaqayaa inay xoojiyaan dagaallada lagula jiro dowladda Soomaaliya iyo ciidanka AMISOM, shacabkuna waa inay ka qaybqaataan sidii cadowgaas dalka looga saari lahaa,” ayuu yiri Sheekh Mukhtaar oo la hadlayay boqolaal qof.

Hoggaamiyahan, oo ka mid ahaa saraakiishii ka shaqeeyay in ururkii Xisbul Islaam uu ku biiro Xarrakatul Shabaab, ayaa  sheegay in dagaallada lagula jiro dowladda iyo AMISOM, ay yihiin kuwo lagu doonayo in qaybaha ay Muqdisho kaga sugan yihiin looga saaro si loogu soo rogo xukunka sharciga Islaamka.

“Xarrakatul Shabaab, waxaa ka go’an inay dalka kusoo rogto maamul Islaami ah, dadka waa inay garab istaagaan mujaahidiinta,” ayuu yiri Sheekh Abuu-Mansuur, oo ciidammada AMISOM ku tilmaamay cadow kusoo duulay Soomaaliya.


Gobollada Koonfureed ee Soomaaliya iyo inta badan Muqdisho ayaa waxaa ka taliya Xarrakatul Shabaab, iyadoo kusoo rogtay deegaannadaan ismaamulka shareecada Islaamka, waxayna fulisay deegaannadaas xukunno xad ah oo lagu fuliyay dad lagu eedeeyay inay dambiyo galeen.


Add New Comment