Ra’iisal Wasaare Farmaajo oo ka qeyb galay xaflad xilwareejin



Xaflad ballaaran oo xilwareejin ah oo  ka dhacday xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa xilka kula wareegayay Agaasimaha cusub ee Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha  Abuukar Daahir Cismaan waxaana munaasabadan ka soo qeyb galay Ra’iisal Wasaare Maxamed Cabdullaahi Maxamed iyo marti sharaf kale. .


Agaasimihii hore ee Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Mudane Suudi Saciid Suudi oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu maanta xilka Agaasimaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha uu ku wareejiyo Mudane Abuukar Daahir Cismaan oo ay muddo aad u dheer ay saaxiibo ahaayeen isagoona u hambalyeeyey isla markaana ugu duceeyey inuu Alle la garab galo xilkan loo dhiibay.

Waxaa munaasabadaasi hadal kooban oo mahadcelin ah ka jeediyey agaasimaha cusub ee Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Mudane Abuukar Daahir Cismaan , wuxuuna  Mr. Suudi qof aanu ka bixin xeyn-daabka Dowladda balse loo wareejiyay meel kale oo howsha qaranka uu ka sii wadi doono isagoo ku ammaanay mudadii uu joogay Xafiiska R/wasaaraha inuu wax badan ka qabtay horumarinta, dhismaha iyo kala hufida shaqaalaha Xafiiska.



Ugu dambeyntiina Ra’iisal Wasaaraha Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo goobta ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay xil kala wareejinta ka dhacday xafiiskiisa wuxuuna Agaasimaha xilka la wareegay ugu baaqay inuu la yimaadaan howl wanaagsan iyo waxqabad dhab ah.

Add New Comment