Ambassador Mahiga oo magaalada Muqdishu kula kulmay madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya
Ambassador Augustine Philip Mahiga oo ah madaxa xafiiska siyaasada ee Qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa maanta xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia kulamo kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif,Ra’iisal Wasaare Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo madaxda sare ee ciidamada AMISOM Ambassador Mahiga iyo Ra’iisal Wasaare Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo waxay si wada jir ah shir jaraa’id ugu qabteen gudaha xarunta madaxtooyada iyagoo ka warbixiyay ujeedada booqashada iyo arrimaha ay ka wada xaajoodeen. Ambassador Mahiga oo booqasho hal maalin ah ku soo gaaray magaalada Muqdisho wuxuu kulamo iyo qado kula qaatay Villa Soomaaliya madaxda ugu sareysa dowladda, waxuuna si weyn madaxda sare ee dowladda kala hadlay arrimo badan oo ay ugu horeeyeen Siyaasada guud, Amniga, Dib u dhiska Dowlad wanaag ah iyo sidii loogu fidin lahaa gargaarka Bani’aadaminimada shacabka Soomaaliyeed maadaama ay jiraan dalka Soomaaliya abaaro daran oo awxyeeleeyay nolosha dadka iyo duunyadaba. Waxaaa sidoo kale shirkaa Jaraa'id ka hadlay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Mr.Farmaajo, wuxuuna sheegay in ay ka wada hadleen golihiisa wasiiradda sidii loo dardargelin lahaa diyaarinta Dastuurka cussub ee dalka Soomaaliya iyo sidii wadanka looga qaban lahaa kooxaha nabadda iyo dowladnimada diidan kuwaasoo dagaalo joogta ah kusoo qaada saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.
Add New Comment
|
|
|