SilGor 12/17/2010 11:38:41 PM
Sarkaal la socday ciidammada booliiska Soomaliya ayaa sheegay,Ciidammada AMISOM inay si bareer ah rasaas ku burburiyeen matoorkii gaari nooca dagaalka ah oo ay leeyihiin booliiska,sidoo kalena waxay dhaawaceen askari gaariga saarnaa.
HOL 12/16/2010 8:08:37 PM
Ra'iisul wasaare Maxamed C/llaahi, ayaa maanta Muqdisho kusoo laabtay, kaddib safarro uu kusoo kala bixiyay dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya, waxaana kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha xubno ka tisran dowladda uu dhawaanta soo dhisay
jowhar 12/16/2010 8:03:30 PM
Kadib markii dhowaan Madaxweyne Shariif uu xariga ka jaray Taliska Ciidamada Xooga dalka ee Xarunta Villa Baydhabo ayaa halkaas waxaa uu Madaxweyne Shariif ka wadaa kulamo culus oo uu la qaadanayo Saraakiisha Ciidamada Milateriga.
SilGor 12/15/2010 7:09:59 PM
Waxaa maalinnimadii shalay magaalada Muqdisho ku geeriyootay laguna aasay Allaah ha u naxariistii marxuumada Faaduma Maxamuud Cali Cilmi (Faay Baliile) oo dhowr iyo lixdan jir ahayd, waxaana geerideeda la ogeysiinayaa dhammaan eheladeeda oo kala jooga dalka
HOL 12/14/2010 10:05:26 PM
Saraakiil ka tirsan ururka Xisbul Islaam oo magacyadooda qariyay, ayaa u xaqiijiyay saxaafadda Muqdisho in laga qabsaday deegaanno ay ka mid yihiin: Toora-toorow, Furuqley iyo Farsooley, oo dhammaantood ka tirsan gobolka Shabeellada hoose.
SilGor 12/13/2010 5:21:22 PM
Xarunta Villa Baydhabo oo maanta Madaxweyne Shariif uu ku magacaabay Xarunta taliska ciidammada dowladda ayaa furitaanka xaruntani waxaa goobjoog ka ahaa; taliyaha ciidanka Badda Gen. Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare), abaanduulaha milateriga C/kariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan), taliya ciidanka cirka iyo saraakiil kale
Shabelle 12/13/2010 3:32:37 PM
Mid ka mid ah Taangiyada Ciidamada AMISOM ayaa Galabta si bareer ah u bur buriyay qeyb ka mid ah darbigii ku hareereysnaa dhismada Daarta Idaacada Shabelle ay ku leedahay inta u dhaxeysa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo Isgoyska KM 4 ee Magaalada Muqdisho (sawirro)
SilGor 12/12/2010 4:34:27 PM
Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Cabdi Xaaji Goobdoon ayaa saxaafadda usoo bandhigay in Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa inay casuumaad muddo 24saac ah ka heleen madaxweynaha iyo R/wasaaraha dalka Jabuuti, waana safarkii ugu horreysay Farmaajo
SilGor 12/9/2010 7:12:36 PM
Furitaanka Safaarada waxa ka soo qaybgalay R/wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Oomaar, Wasiirka Wasaaradda Dekadaha,Gaadiidka Badda,Cirka iyo dhulka Axmed Cabdiraxman Abaade, Xildhibaanno
HOL 12/8/2010 6:55:32 PM
Guddoomiyaha maxkamadda ciidammada Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) wuxuu caddeeyey Askarigii lagu helo isagoo hubka ay dowladdu siisay iibinaya, ama dil geysta,iyo sarkaalkii kasoo baxa sabab la'aan aagga uu dagaalka uga jiro, waxay mudan doonaan dil
SilGor 12/7/2010 9:39:43 AM
Ururka Israaca SilGor waxa uuu hambalyo ku aadan sannadka cusub 1432 ee hijriyada u diraynaa dadka islaamka ah guud ahaan, gaar ahaana shacabka Soomaaliyeed meel waliba uu ku nool yahay , anaga oo u rajaynayna inay sanadkan Sanadkiisa ku gaaraan bash-bash iyo barwaaqo,cadaawada iyo colaaddana uu Illaahay ka dulqaado Aamiin.
SilGor 12/7/2010 9:17:52 AM
Maxkamadda ciidammada qalabka sida ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo dil ku fulisay askari ka tirsanaa ciidamadeeda laguna magacaabi jiray Nuur Axmed Shire, askariga la qasaasay waxa uu si bareer ah u toogtay askari lagu magacaaabi jiray Shaafici Abshir Cali
SilGor 12/6/2010 8:13:00 PM
Waxaa xalay saqdi dhexe saacadda markay aheyd 03:00 am ku geeriyooday magaalada Jabuuti, Allaah ha u naxariistee marxuum Nuur Cabdullaahi Nuur Gulaal oo ay da'disu ahayd 40 jir .marxuumka waxa uu ifka kaga Wiil iyo Gabar iyo Hooyadood.







'
World News