Midowga Afrika oo madaxda Soomaaliya ugu baaqay inay xalliyaan khilaafaadka dhexdooda ka jira


Ururka Midowga Afrika (AU) oo aad uga walaacsan khilaafka soo kala dhexgalay madaxda sare ee Dowladda KMG ayaa ku baaqay in la xalliyo kala feker duwanaashiyaha Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Barlamaanka, sidoo kalena sheegay in laga wada shaqeeyo qabsoomidda doorashada madaxtinimada dalka.

Ku qaybsanaha Arrimaha Soomaaliya ee Midowga Afrika Mr. Jerry Rawlings oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia oo ah xarunta uruka ayaa baaq u soo jeediyey madaxweyne Sheekh Shariif iyo guddoomiyaha Barlamaan Shariif Xasan kaasoo uu kaga dalbaday inay xalliyaan khilaafaadka u dhexeeya. 

Mr. Jerry Rawlings ayaa baaqaan soo jeediyey kaddib markii uu Addis Ababa kula kulmay wasiirka arrimaha dibedda ee Ethiopia, ayada dhankiisa wasiirka Ethiopianka ahna uu sheegay inay isku taxallujin doonaan sidii dhexdhexaadin looga geli lahaa khilaafka labada mas'uul ee Soomaaliyeed, si loogaga gudbo marxaladdan jahawareerka siyaasadeed uu ka jiro dalka Soomaaliya.

Ergayga Midowga Afrika Mr. Rawlings oo hore u ahaan jiray madaxweynihii dalka Ghana ayaa waxa uu ku soo beegmay xilli mas'uuliyiin fara badan oo ka tirsan beesha caalamku ay muujiyeen sida ay uga walwalsan yihiin khilaaf soo kala dhex galay madaxda Dowladda Soomaaliya, soona jeediyeen baaqyo midkan oo kale ah.

Khilaafka haatan jira ayaa waxa uu qatar ku yahay Dowladda oo sida la wada ogyahay ku jirta dagaal xooggan oo kala dhexeeya Xarakatul Shabaab Al-Nujaahidiin, dagaalkaas oo ka socda goobo fara badan oo ka tirsan gobollada koonfureed ee dalka iyo magaalada Muqdisho.

Add New Comment