Aqoonyahanada oo soo dhaweeyay shirka June ka dhacaya dalka


Pro. Xasan Maxamuud (Xasan Jaamici) oo ka mid ah aqoonyanada Soomaaliyeed ee  ku sugan dalka Mareykanka islamarkaana waxa ka dhiga jaamacad ku taala dalka Mareykanka oo Radio Muqdisho la hadlay ayaa sheegay in uu si wayn u ayiday shirka bisha June ka dhacaya magaalada Muqdisho Soomaaliyana ay aayaheeda ka tashato, isagoo tilmaamay in la doonayo in laga shaqeeyo waxa walba oo uu dalka u gaari karo nabad.

Pro. Ayaa carabka ku dhuftay in laga fogaado waxa ka hor imanaya danaha Soomaaliya hadana aan la lumin jaaniska ay shacabka Soomaaliyeed ku soo ceshanayaan Qaranimadoodii waxa uu hoosta ka xariiqay in aan loo bahneen  wax  laga yimid labaatan sano ka horin lagu laabto.

Arrinta ku saabsan shirka bisha soo aadan ka dhacaya magaalada Muqdisho ayaa waxa horey si wada jir u soo dhaweeyay Aqoonyahanada,  Culumo udiinkam, Dhalinyarada, odyaasha dhaqanka iyo Siyaasiin Soomaaliyeed oo ku sugan gudaha dalka iyo dibadiisa, iyadoo ay jaaliyadaha Soomaliyeed ee ku nool wadamada caalamka ay sheegeen in ay fidinayaan taageero ficil ah.


Add New Comment