Ra'iisul-wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigii la socday oo maanta dalka kusoo laabtay


Ra'iisul-wasaaraha xukuumadda KMG ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed iyo wafdigii kala qaybgalay shirkii Golaha Ammaanka ee lagu qabtay magaalada Nairobe ee waddanka Kenya ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Ra'iisul-wasaaraha iyo wafdiga la socda ayaa markii hore ee ay dalka ka safrayeen waxa hoggaaminayey madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo asagu maalin ka hor dalka ku soo laabtay arrimaha xasaasiga ah ee dalka ka taagan awgood.

Ra'iisul-wasaare Farmaajo iyo wafdiga la socda ayaa waxa gegida dayaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde waxa uga hortagay ku-xigeenka ra'sul-wasaaraha ahna wasiirka gaashaandhigga Cabdixakiim Maxamuud Xaaji Fiqi iyo mas'uuliyiin fara badan oo ka tirsan labada gole ee Dowladda KMG.


Add New Comment