Dalka Soomaaliya oo mudo 50 sano ka hor iska dul qaaday hadamadii
Gumeystihii Talyaaniga iyo Ingiriiska, waxaa mudnaantaasi iska lahaa 13
dhalinyaro Soomaaliyeed oo hoggaanka u hayey Xisbigii Gobonimo doonka SYL
(Somali Youth League), xisbigaasoo horay loo oran jiray SYC, dhalinyaradii
dhidibada u taagay oo ku mideysnaa qiiro wadaninimo kana dhiidhinayey
gumeystihii dalka ku soo duulay, hadafkoodu wuxuu ahaa sidii ay dalkooda iyo
dadkooda u noqon lahaayeen kuwo xor ah.
68 sano ka hor geedkii ay beereen
13 dhalinyaro Soomaaliyeed mirahooda waxaa la gurtay 1-dii Luulyo 1960-kii
markii heeryadii Gumeysiga iska dul qaadnay oo Gobolada Waqooyina ay la
midooween walaalahooda Soomaaliyeed, taariikhdaasi dheer iyo halgankii
dhalinyaradaasi Soomaaliyeed abuureen ilaa maantana harsaneyno, inkastoo nasiib
daro ay tahay in 20 sano dagaal iyo dowlad la´aan ku jirno, sumcad xumana ay ku
tahay shacabka Soomaaliyeed ee 50 sano ka hor iska eryay Gumeystihii reer
Galbeedka ku soo duulay dalkooda iyo dadkooda.
15.05.1943-kii Xisbigii
SYC oo ah maalintii dhidibada loo taagay waxaa uu ku bilowday qaab urur
dhalinyaro, maadaama Gumeystuhu xiligaasi ogoleyn dhaq dhaqaaq siyaasadeed,
iyadoo dhibaato badan laga maray sidii uu ururkaasi u noqon lahaa mid
Siyaasadeed, muddo kadib waxaa lagu guuleystay in uu u xuub siibto urur siyaasi
ah oo la magac baxay SYL sanadku markii ahaa 1947-kii.dhalinyaradaasi oo ka
dhiidhinayey hagar daamadda gumeysiga uu ku hayey shacabka Soomaaliyeed iyo
ujeedadii Ingiriiska ee aheyd QEYBI OO XUKUN.
Waxay xil iska saareen
sidii shacabka Soomaaliyeed xornimo u gaarsiin lahaayeen, iyagoo baaqoodu ahaa
Qabiil Qaran ma noqdo, wuxuuna hadafkoodu uu ahaa Soomaali oo xor taasoo ay
taageerayeen guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed ee ku noolaa guud ahaan dhulka
Soomaaliyeed.
Markii uu SYC isku badalay SYL waxaa bilowday dadaal dheer oo dhalinyaradaasi ay
ku doonayeen in ururku uu noqdo mid jira oo aqoonsi ka hela guud ahaan dunida,
waxaana markiiba uu noqday urur jira kana qeybgala shirarka caalamiga ah iyo
kuwa Qaramada Midoobay, waxayna mar walba gudbin jireen fariinta shcabka
Soomaaliyeed ee ah diidmada gumeysiga dalka heystay sidii la isaga dul qaadi
lahaa.
Waxyaabihii ururka SYL uu si cad ugu horyimid isagoo shacabka
taageero xoogan ka helayay waxaa ka mid ahaa go´aankii Dowladdii Ingiriiska
1946-kii uu ku soo rogay Soomaaliya ee aheyd in qof walba oo Qaan gaar ah laga
qaado canshuur, taasoo ka dhaqan gashay guud ahaan bariga Africa hase,
dibadbaxyo iyo rabshado lagaga hortegay waxay arintaasi keentay in xabsiga loo
taxaabay shacab fara badan, hase ahaate ma aysan joojin dibadbaxyadooda, ilaa
aaqirkii laga noqdo go´aankaasi, lana soo daayo shacabkii macna darada loo xer
xeray.
Dhalinyaradaasi fikraddii waddaninmo oo ay keeneen waxaay noqotay mid lagu
liibaanay xaqiijisayna midnimadii iyo wada jirkii ummadda Soomaaliyeed waxayna
tiigsanayeen ama hadafkoodu ahaa.
1-In loo halgamo, lana xaqiijiyo
gobanimada iyo madax banaanida Soomaali.
2- In shanta Soomaaliyeed la
mideeyo,hal maamulna la isugu keeno.
3- In Af-Soomaaliga la qoro.
4- . In
xoogga la saaro tacliinta
5- In la tirtiro qabyaaladda, quursiga iyo qodobo
kale oo halkan lagu soo koobi karin.
Dhibaatooyin fara badan oo ay la
kulmeen dhalinyaradii SYL ayaa iyana xusad mudan, waxayna dhibaatadaasi ay
dhacday 11-kii Janaayo 1946-kii mar magaalada Muqdisho ay yimaadeen guddi ka
socday Dowladdaha Mareykanka, Ingiriiska, Ruushka iyo Faransiiska, ujeedadooduna
aheyd sidii ay u qiimeyn lahaayeen rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, taasoo ka
dhalatay rabshado ay abuureen Gumeystihii Talyaaniga oo ka war helay in Leegada
ay abaabuleen bannaanbaxyo looga soo horjeedo Talyaaniga oo xiligaasi la
damacsanaa in gacanta loo geliyo guud ahaan Soomaaliya.
11-01-1948-kii
waxaa weerar ku soo qaaday xafiiskii SYL kooxo Soomaaliyeed oo Talyaaniga soo
abaabulay, iyadoo weerarkaasi ay ka hortageen dhalinyaradii, halka qaar kale ay
weerar ku qaadeen Talyaanigii soo abaabulay rabshadahaasi, waxaana maalintaasi
ay Leegada dileen 54 Askarta Talyaaniga, halka dhinaca Soomaalida laga dilay
Allaha u naxariistee Xaawo Taako 55 kalena waa laga dhaawacay.
Waxaa
xusuus mudan Haweenkii laf dhabarka u ahaa Xisbigii SYL, kuwaasi oo dahabkooda
ku bixin jiray safarada dibada iyo howlaha xafiiska uu qabanayo, iyadoo
dhaqaalihii uu ku safray Cabdullaahi Ciise markii uu ka qeybgalayey shirkii
Golaha Amaanka ay bixiyeen Haween Soomaaliyeed.
Waxaa cajiib ah in
dhalinyradaas qaarkood aqoontii ay heysteen oo aheyd mid hooseyso marka la
barbar dhigo tan maanta ay ku howlgalaan dhalinta cusub, sidaasoo ay tahayna ay
ka mira dhaliyeen hadafkoodii ahaa in ay waddanka ka xoreeyaan gumeystaha ku soo
duulay dalkooda.
Dadaal kasta iyo dhibaato walba oo ay la kulmaan waxaa
la gaaray guushii 1-dii luulyo 1960-kii markii dal xor ah la arkay oo calankooda
taagta, ayna sameystaan maamul la aqoonsan yahay, hase ahaatee waxaa uur ku
taalo ah in maanta guushaasi ay soo hoyiyeen 13 dhalinyaro ah oo marxaladahaasi
soo maray in si fudud gacmaheena ugu dumino, iyadoo calool xumo ay ku reebeyso
muwaadin walbo oo Soomaaliyeed.
Waxaase Taariikhda ay xusi doonta sida
aan maanta u xuseyno Halyeeyadii guusha keenay, kuwa maanta hortaagan maslaxada
iyo helitaanka maamul dowladnimo, kuwaasi oo Damiirkii Wadaninimo ka guuray, una
taagan kala qeybinta iyo burburinta dadka iyo dalka Soomaaliyeed, waxaanse Alle
ka baryayaa in Soomaali isu keena dantoodana garato.
Gabagabadii
qormadeyda Xuska 15-ka May waxaan ku soo gabagabeynayaa amaan iyo duco aan u soo
jeedinayo Halyeeyadii Soomaaliyeed ee majaraha u hayey halgankii Gobonimo-doonka
kuwaasi oo magacyadooda hoos ku xusay.
1. Yaasiin Xaaji Cismaan
2.
Cabdulqaadir Sh. Sakhaawa-diin
3. Maxamad Cismaan Baarbe.
4. Cismaan
Geedi Raage
5. Sayidiin Xirsi Nuur
6. Maxamad Cali Nuur
7. Daahir
Xaaji Cismaan
8. Xaaji Maxamad Xuseen
9. Khaliif Huudow
Macallin
10.Maxamad Faarax Hilowle
11. Dheere Xaaji Dheere
12. Maxamad
Cabdalla Xayeesi
13.Cali Xasan Maxamad "Berdura.