Madaxweyne Sheekh Shariif iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay magaalada Nairobi


Madaxweynaha Dowladda KMG  Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayagoo ku si jeeda magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo ay uga qaybgeli doonaan shir uu soo qabanqaabiyey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oohalkaasi ka dhici doona.

Shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxa kale oo looga yeeray madaxda maamul-goboleedyada Soomaaliyeed ee Gal-Mudug iyo Puntland oo ay madaxdoodu horey u gaareen magaalada Nairobi, waxa sidoo kale ku sugan magaalada Nairobi wafdi ka socda Jamhuuriyadda la magac baxday Somaliland oo aan la hubin inay halkaas u tageen isla shirkan ama howlo kale.

Wafdiga uu hoggaaminayo madaxweyne Sheekh Shariif ayaa waxa ka mid ah xubno ay ka mid yihiin ra'iisul-wasaaraha Dowladda KMG Maxamed Cabdullaahi Maxamed, Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Barlamaanka Axmed Dhimbil Rooble, wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya, ayadoo guddoomiyaha barlamaanka iyo xubno la socdayna ay horey ugu sii sugnaayeen Nairobi.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxa gegida dayaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ku sii sagootiyey xubno sarsare oo isugu jira labada gole ee dowladda ee barlamaanka iyo xukuumadda

Add New Comment