Madaafiic culus oo ku hoobatay Suuqa weyn ee Bakaaraha


Madaafiic culus oo la rumeysan yahay in laga soo riday dhanka ciidamada Midowga Afrika (AMISOM) ayaa maanta ku soo dhacday suuqa weyn ee Bakaaraha oo ay xilligaasi ka adeeganayeen dad fara badan oo rayid ah, ayadoona ay geysteen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la og yahay madaafiicdan ayaa waxa ku geeriyooday 2 ruux oo rayid ah, halka dhaawucuna uu dhan yahay ilaa 6 ruux oo dhammaantood rayid, duqeyntan ayaa sida lagu soo warramayo waxa ay kusoo beegantay xilli aysan magaalada Muqdisho ka socon wax dagaallo ah.

Suuqa Bakaaraha oo ah kan ugu weyn suuqyada magaalada Muqdisho ayaa bartilmaameed u ah madaafiicda waaweyn ee ciidamada AMISOM mar kasta oo ay xoogagga sida ba'an u diiddan Dowladda KMG iyo joogitaanka AMISOM ay weerar soo qaadaan.

Add New Comment