Madaxweyne Sheekh Shariif oo booqasho rasmi ah ku maraya waddanka Libiya


Madaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa gaaray magaalada Tripoli ee xarunta waddanka  Libiya kaddib markii uu soo dhammeystay socdaalkii uu ku soo maray waddanka Mareykanka ee uu kaga qayb galay Shirkii Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha iyo wafdigii la socday ayaa intii ay joogeen waddanka Mareykanka booqashooyin kusoo kala bixiyey qaar ka mid ah gobollada dalkaasi ee ay dibadjoogga Soomaalidu intooda ugu badan deggan yihiin, halkaasoo si weynna loogu soo dhoweeyey.

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa maanta la filayaa inuu magaalada Tripoli kula kulmo Madaxweynaha Jamaahiiriyadda Carbeed ee Libya Col. Mucammar Al-Qadaafi oo ay ka wada hadli doonaan xiriirka labada dal ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Libiya iyo sidii ay labada dal isaga kaashan lahaayeen arrimo badan oo ay ugu horreyso nabad ku soo dabaalidda dalka Soomaaliya.


Add New Comment