SilGor 7/4/2009 5:53:36 AM
Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ee arrimaha Afrika Mr. Johnie Carson ayaa sheegay in dalkiisu uu taageero hiil iyo hooba leh la garab taagan yahay Dowladda KMG ee Soomaaliya si ay u yeelato awood ay ku hanato dalka Soomaaliya gebi ahaantiis.
SilGor 7/3/2009 1:11:15 PM
Shir madaxeedkii Ururka Midowga Afrika uga socda magaalada Sirta ee dalka Libya ayaa soo gaba gaboobay ayadoona ay madaxdii shirkaa ka qayb gashay isku raaceen in la kordhiyo tirada ciidamada AMISOM ee jooga caasimadda waddanka Soomaaliya ee Muqdisho.
SilGor 7/3/2009 12:42:38 PM
Dagaallo aad u culus una dhexeeya ciidamada Dowladda KMG ee Soomaaliya iyo xoogaggga kasoo horjeeda ayaa dib uga qarxay magaalada Muqdisho maanta, kaddib markii shalay iyo maalintii ka horreysayba ay dagaallo ka socdeen qaybo ka tirsan waqooyiga magaalada.
SilGor 7/3/2009 12:09:20 PM
Waxaa na soo gaaraya dhambaallo tacsi ah oo ku aaddan geeridii naxdinta lahayd ee ku timid marxuum Ridwaan Xaaji Amiin Aba-Cumar oo shalay ku geeriyooday, laguna aasay magaalada Jigjiga ee Ismaamulka Soomaalida Ethiopia -INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN-
SilGor 7/3/2009 4:54:34 AM
Waxa habeennimadii xalay ku geeriyooday magaalada Jig-jiga ee Ismaamulka Soomaalida Ethiopia Ilaah ha u naxariistee marxuum Ridwaan Xaaji Amiin Aba-Cumar, waxa geerida marxuumka lala socodsiinayaa dhammaan ehelediisii oo ku kala nool dalal fara badan oo adduunka ah, marxuumka jannadii farduusa Allaah haka waraabiyo, eheladiisii iyo asxaabtiisiina sabar iyo iimaan Allaah haka siiyo.
SilGor 7/1/2009 12:11:26 AM
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shacaka Soomaaliyeed ugu hambalyeeye xuska 49-guurada ee maalinta qarannimada Soomaaliya oo ku beegan maanta oo ay taariikhdu tahay 1-da Luulyo, Madaxweynaha ayaa hadda ku sugan dalka Libya
6/30/2009 7:01:48 PM
1-da Lulyo oo soo noqotay markii 49aad, ayadoo ay ummaddii Soomaaliyeed ee maalintaa u dabaaldegi jirtay Xorriyadda gobollada koonfureed iyo midnimadii labadii gobol ee waqooyiga iyo koonfurta ee ay Ingiriiska iyo Talyaanigu kala gumeysan jireen maanta kala qaybsan yihiin oo ay labo dal kala sheeganayaan, waxaa intaas sii dheer ayadoo dadkii degganaa caasimaddi midnimada (Muqdisho) ay maanta dushooda ka dhaceyso madaafiic iyo rasaas, halka qaarna ay ku nool yihiin geedo hoostood, qaarna intay u adkeysan waayeen isaga carareen oo ay maanta ku nool yihiin dalal ay ajnabi ku yihiin, ayaan darro, xorriyaddeenii natiijadeedi ma sidan ayey noqotay?
SilGor 6/30/2009 2:53:04 PM
Dagaallo xoogan oo laysku weydaarsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa galabta ka dhacay degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan ee magaalada Muqdisho, ayadoo madaafiic culculasna ay kasoo dhaceysay Xarunta
SilGor 6/30/2009 8:55:34 AM
Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta ka ambabaxay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga Aadan Cadde ee magaalada
6/30/2009 8:33:16 AM
Qarax miino oo ka dhacay xaafadda 21 Oktoobar ee degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho, sababayna dhimasho iyo dhaawac aya maanta lagula
SilGor 6/30/2009 8:15:24 AM
Maamulkii Maxaakimta Islaamka ee horey uga arrimin jiray gobolka Shabeellada Dhexe ee ay ururrada Xisbul Islaam iyo Xarakada Shabaab Al Mujaahidiin kala wareegeen gacan ku haynta magaalooyinka Jowhar iyo
SilGor 6/30/2009 12:17:26 AM
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa maanta sheegay in uu dhowaan bilaabanayo howlgal amniga lagu sugayo, asagoo isla mar ahaantaana ugu baaqay shacabka magaalada Muqdisho inay gacan siiyaan ciidamada ammaanka ka shaqeynaya
shabelle 6/29/2009 8:28:08 AM
Magaalasa Sirta ee dalka Liibiya ayaa waxaa ka socda Malintii labaad kulan ay leeyihiin golaha fulinta ee midowga Africa oo loogu gogol xaarayo shir ay isugu imaanayaan hogaamiyaasha iyo madaxda Ururka Midowga Africa oo lagu wado in 1-da bisha Luuliyo







'
World News