Dagaallo aad u culus una dhexeeya ciidamada Dowladda KMG ee Soomaaliya iyo xoogaggga kasoo horjeeda ayaa dib uga qarxay magaalada Muqdisho maanta, kaddib markii shalay iyo maalintii ka horreysayba ay dagaallo ka socdeen qaybo ka tirsan waqooyiga magaalada.
Ciidamada Dowladda KMG ayaa sida la sheegay weerarro ay ku doonayaan inay dib ugu soo ceshadaan gacan ku heynta goobo ay maalmihii la soo dhaafay ka qabsadeen xoogagga Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab ku qaaday qaybo ka tirsan degmooyinka Shibis iyo Kaaraan.
"Waxaan arkay meydadka lix qofood oo xabbad wiifto ah ay dishay oo saddex ka mid ah ay isku hal qoys ahaayeen" sidaa waxaa yiri qof goob jooge ah oo u warramayey warbaahinta magaalada Muqdisho, sidoo kale waxaa ayagana jira meydad kale oo ay carruur ku jirto oo laga soo sheegayo goobaha ay dagaalladu ka socdaan.
Bishii tagtay ee May ayey ahayd markii xoogagga Xisbul Islaam iyo Xarakatul Shabaab Al-Mujaahidiin oo is kaashanaya ay weerar saf ballaaran ah ku soo qaadeen Dowladda KMG ee uu madaxweynaha ka yahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed, laakinse ay illaa iyo hadda ku guuleysan la' yihiin inay wada jiraan ciidamada Dowladda.
Dagaaladan Muqdisho ka soo cusboonaaday bixitaankii ciidamada Ethiopia ka dib ayaa waxa la sheegayaa inay gallaafteen nolosha dad ka badan 300 oo qof oo u badan dad rayid ah oo aan waxba galabsan oo ay guryahooda ugu tageen madaafiic iyo rasaas aan loo meel dayin oo ay is weydaarsanayeen kooxaha dagaallamaya.