Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif
Sheekh Axmed ayaa shacaka Soomaaliyeed ugu hambalyeeye xuska 49-guurada ee maalinta qarannimada Soomaaliya oo ku beegan maanta oo ay taariikhdu tahay 1-da Luulyo.
Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo intii uusan shalay ka ambabixin magaalada Muqdisho la hadlayey warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in 1-da Luulyo ay tahay maalin shacabka Soomaaliyeed u leh xusuus gaar ah, waayoo waa maalintii ay iska tuureen heeryadii gumeysiga, ayna midoobeen gobollada waqooyi iyo koonfurta Soomaaliya.
Madaxweynaha iyo wafdi ballaaran oo uu horkacayo ayaa u kicitimayey dalka Libya oo uu kaga qaybgeli doono shir-madaxeedka Midowga Afrika uga furmaya maanta oo ay bisha Luulyo tahay kowda magaalada Sirti ee dalka Libya.
“Waxaa kale oo aan ku xusuusanaa maalintaas 13kii dhalinyarada ahaa ee SYL
ee u soo halgamay xornimo qaadashadii Soomaaliya, waana maalin ku weyn qof
kasta oo qalbigiisa ay wadaniyad ku jirto” ayuu yiri madaxweyne
Sheekh Shariif.
Mar madaxweynuhu uu ka warramayey kooxaha hubeysan ee dowladdiisa kasoo horjeeda ayaa waxa uu sheegay in muddadii u dhexeeysay burburkii dowladdii hore iyo imaatinkii dowladda cusub ay kooxahaasi ka faa'ideysteen oo ay dalka Soomaaliya soo geliyeen kooxo ajaanib ah oo aan dooneyn in dalka Soomaaliya xoroobo.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu ku celiyey in Dowladda Soomaaliya ay ku dadaaleyso sidii
ay amnigii iyo kala dambeyntii u soo celin lahayd, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed
ugu baaqay in ay gacan siiyaan Dowladda Soomaaliya.