Taangi ay leeyihiin AMISOM oo bur buriyay daarta Shabelle.


 Mid ka mid ah Taangiyada Ciidamada AMISOM ayaa Galabta si bareer ah u bur buriyay qeyb ka mid ah dhismada daarta Shabelle ay ku leedahay inta u dhaxeysa Garoonka diyaaradaha iyo Isgoyska KM 4 ee Magaalada Muqdisho.

Galinkii dambe ee maanta ayaa kolanyo gaadiidka oo ay leeyihiin AMISOM islamarkaana uu ku jiro mid ka mid ah Taangiyadooda, waxa ay si bareer ah ugu dhifteen qeyb ka mid ah dhismaha Idaacada Shabelle gaari Taangi kaasi oo bur buriyay kala bar darbigii ku hareereysnaa Xarunta Idaacada.

Markii uu Gaariga ay leeyihiin AMISOM uu bur buriyay dhismaha guriga ayaa Ciidamada AMSIOM iyagoo oo aan wax raali galin ah ka bixin dhibaatada ay u geysteen Shabelle, waxaa ay jiiteen gaarigii Taangiga ahaa ee bur buriyay dhismaha Shabakadda Warbaahinta Shabelle.

Majiro dhaawac iyo dhimasho Shaqaalaha Shabelle ka soo gaaray falkaani ula kaca ah ee Ciidamada AMISOM ay ku bur buriyeen darbiga Daarta Shabelle, hase ahaatee waxaa ay arintaani saameyn ku yeelatay qalabkii korantada ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle.

Lama oga sababta dhabta ah ee ka dambeysa in AMISOM Taangigooda ay si arxan daro ah ugu bur buriyeen qeyb ka mid ah dhismaha Idaacada Shabelle, iyadoo wali aanay jirin wax war ah oo ka soo baxay dhankooda.

AMISOM ayaa horay Shabelle ugu diiday u in ay siiso dhagaxda shubka ah ee lagu wareejiyo darbiyada si falalka ismiidaaminta ah ay ugu badbaado xili Shabelle ay taargad u noqotay kooxaha ka dagaalama Soomaaliya ee ka soo horjeeda dowladda KMG wixii ka dambeeyay markii ay soo degtay inta u dhaxeysa Garoonka diyaaradaha iyo Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho.

Caawa Fiidkii ayaa gudaha Idaacada waxaa soo galay dhowr askari oo ka tirsan Ciidamada AMISOM kuwaasi oo sawiro ka qaatay dhismaha ay bur buriyeen ee daarta Shabelle, walina kama aysan bixin wax raali galin ah.

       

Add New Comment