SilGor 12/6/2010 7:52:25 PM
Xalay waxaa uu Booliska dalka Kenya uu raafay Soomaalida ku nooleyd xaafadda Islii, howlgalkaasi waxa uu ka dhacay magaalada Nayroobi xaafadda ay soomaalida ku badan tahay ee Islii dalka Kenya qafaalkaasi waxaa lagu qabqabtay boqolaal soomaali ah.
SilGor 12/5/2010 8:18:02 PM
Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta DKMG Soomaaliya C/kariin Xasan Jaamac ayaa maanta shir jaraa'id uu ku beeniyay warar sheegaya in shirkad laga leeyahay dalka Japan ay iibsatay furihii (.SO)qadka Internet-ka ee Soomaaliya , wuxuuna sheegay wasiirku shirkadaasi si ku meel gaar ah inay gacanta ugu hayso furahaasi
HOL 12/2/2010 10:13:41 PM
Dagaallo kale, ayaa maanta ku dhexmaray degmada Buurhakaba ee gobolka Bay Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin iyo ururka Xisbul Islaam, kuwaasoo ay ku dhinteen lix qof oo labada dhinac ka tirsan ayna ku dhaawacmeen tobaneeyo kale.
SilGor 12/1/2010 5:18:34 PM
Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa maanta qado ugu sammeeyey Xarunta Madaxtooyada Ra’iisal Wasaare Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) iyo Golahiisa Wasiirrada kdibna madaxweynaha waxuu u bandhigay howsha adag ee sugaysa
HOL 11/30/2010 9:20:00 PM
Qaxooti Soomaali ah oo gaaraya boqol iyo sodon “130” qofood oo ka soo qaxay dagaalaka ka socda dalka Soomaaliya ayaa dowlada Kenya si qasab ah dib ugu celisay xadka Soomaaliya. gaadiid kuwa militeriga ah oo dadkaasi looga qaaday magaalada Libooy,dadka oo ubadnaa dumar iyo carruur waxaa lagu qasbay inay gaadiidka fuulaan
SilGor 11/29/2010 5:47:50 PM
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi(Farmaajo) ayaa kulankii ugu horreeyay la yeeshay golahiisa wasiirrada,wuxuu ku adkeeyay inay la yimaadaan waxqabad muuqda si caalamku uga taageero dowladda dhinacyada dhaqaalaha,amniga, dib-u-heshiisiinta
SilGor 11/28/2010 9:11:34 PM
Madaxweynaha Uganda inta uu Muqdisho ku sugnaa waxaa uu la kulamay Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif , Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan iyo Ra’iisal Wasaaraha Maxamed C/llaahi Maxamed,kadibna wuxuu booqday Saldhigga AMISOM ay ku leedahay agagaarka Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.
SilGor 11/27/2010 6:51:39 AM
Xildhibaannada Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey xukuumadda cusub ee uu dhowaan soo dhisay ra'iisul-wasaaraha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), kaddib muran in muddo ah ka dhex taagnaa
HOL 11/25/2010 8:03:53 PM
Ciyaaryahanka Kubadda Miiska ee wadanka Holland Magan Daahir Yuusuf ayaa galabta gelinkii danbe waxaa uu shil weyn ku galay waddada furan ee Gobolka Fryslan ee uu ka degan yahay Wadanka Netherlands,waxaana uu shilkaasi galay kaddib markii uu gaarigiisa uu ku dhacay gaari kale oo si qalad ah u soo taraaray,(SAWIRRO)
SilGor 11/24/2010 4:28:13 PM
Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska AMISOM ayaa raalligelin ka bixiyay,rasaas ay shalay ciidadooda si bareer ah ugu fureen dad shacab ah oo laba ka mid ah ay u geeriyoodeen,kuwa kalana ay la liitaan dhaawacyo halis ah oo ka soo gaartey dhacdadaasi.
SilGor 11/24/2010 3:31:30 PM
Guddoomiyaha Xisbul Islaam garabka taabacsan dowladda Sheekh Yuusuf Indha Cadde ayaa warbaahinta u sheegay in Ciidamadiisa uu kala baxay Dowladda, kadib markii guuldarro ay ku dhammaatay kulan u dhaxeeyay isaga iyo Madaxweyne sheekh shariif
SilGor 11/24/2010 1:57:06 PM
Madaxweyne Shariif ayaa tujiyay Salaadii Janaasada ee Meydka Marxuum Maxamuud Cumar Faarax Indhabuur, waxaa salaada janaasada la dukaday Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan, Ra'iisul Wasaare Farmaajo, xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Xildhibaano iyo saraakiil (sawiro)
HOL 11/23/2010 9:20:50 PM
Waxaa xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibada ee dalka Holland lagu qabtay kulan looga hadlayo ka hortaga burcad badeeda ka jirta xeebaha dalka Soomaalia, dalka Holland ayaa lagu wadaa bilaha soo socda inuu hogaanka u qabto Guddiga la dagaalanka burcadbadeeda







'
World News