TACSI - geerida naxdinta leh ee Marxuumad Faaduma Maxamuud Cali (Faay Baliile)

Waxaa maalinnimadii shalay magaalada Muqdisho ku geeriyootay laguna aasay Allaah ha u naxariistii marxuumada Faaduma Maxamuud Cali Cilmi (Faay Baliile) oo dhowr iyo lixdan jir ahayd, waxaana geerideeda la ogeysiinayaa dhammaan eheladeeda oo kala jooga dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba.

Marxuumad Faduma Maxamuud Cali Cilmi waxay ifka uga tagtay caruur fara badan oo isugu jira wax ay dhashay iyo wax ay sii dhaleen oo dhammaantood ku kala sugan gudaha dalka Soomaaliya iyo dibeddiisaba.

Dhammaan xubnaha Ururka I. SilGor waxay ayagoo ka murugeysan tacsi u dirayaan carruurtii ay ka tagtay marxuumadda, walaalaheed qoyska reer Baliille iyo reer Cumar Macallim, gaar ahaan walaalaha kala ah :

       Qoyska reer Baliile

  1 - Duuliye sare Maxamed Maxamuud Cali (Baliile)
  2 - G/Sare Aweys Maxamuud Cali (Baliile)
  3 - Suldaan Cabdulqaadir Maxamuud Cali (Baliile)
  4 - Caaqil Abuukar Maxamuud Cali (Baliile)
  5 - Cali Maxamuud Cali (Baliile)
  6 - Axmed Maxamuud Cali (Aabaliisha)
  7 - Malyuun Maxamuud Cali
  8 - Mulki Maxamuud Cali
  9 - Sucaada Maxamuud Cali
10 - Zakariya Maxamed Baliile
11 - Shukri Aweys Baliile
12 - Aamina Maxamed Baliile
13 - Guud ahaan qoysaska reer Macalim Cilmi Maxamed

        Qoyska reer Cumar Macalim

  1 - G/Sare Maxamed Cumar Macallim (Xiirane)
  2 - Caaqil Cabdi Cumar Macalim
  3 - Marwo Xaliima Cumar Macallim
  3 - Marwo Aaba Cumar Macallim
  4 - Sugulle Maxamed Cumar

Waxaan sidoo kale tacsi taasi la mid ah u direynaa qoyska reer Cabdi Dufle Rooble.

Marxuumad Faaduma Maxamuud Cali Cilmi (Faay Baliile) Ilaaheey hak waraabiyo jannadii Fardowsa, dhammaan intii ay ka tagtayna sabar iyo iimaan haka siiyo - AAMIIN - AAMIIN - AAMIIN - AAMIIN -


Add New Comment