Ahmed Walad Abdalla iyo wefti uu horkacayo oo yimid HARGAYSA
Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya iyo wafiti uu horkacayo ayaa Goor dhoweyd ka soo dagay Garoonka Caalamiga ah ee IGAL International Airport ee magaalad Hagaysa. Caqabadaha iyo khilaafka siyaasadeed ee ka jiro Soomalilanad oo aad usii xoogaystay awgeed iyo Mareekanka oo ka xummaaday dib u dhaca ku yimid Doorashooyinkii lagu waday inay ka dhacaan halkaasi ayaa soo ifbaxday waftigan uu horkacayo Axmed Walad Cabdallah inuu yimid Dalka bal in wixii karaankooda ah inay ka galaan caqabadahaasi iyo intay ogolaysiiyaan siyaasiyiinta oy xal u xelaan reer Soomaalilanad arrinta laysku mari la'yahay qaabka loo qaban lahaa Doorashooyinka . Lama Oga Muddada ay joogi doonaan weftigan iyo in ay ku guulaysan doonan xallinta khilaafadka siyaasadeed ee beryahan hadheeyey Jamhuriyadda Somaliland haddiiba ay wax ka galaan arrintooda.
Wafdiga ka socda Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale waxaa la socda Mas’uuliyiin ka socda hay’adaha Samafalka iyadoo booqashada Axmed Walad Cabdala uu ku tagay Magaalada Hargaysa ay noqonayso tii ugu horaysay uu ku tago Jamhuuriyada la magacbaxay Somaliland tan iyo markii Axmed Walad Cabadala loo magacaabay Wakiilka gaar ah ee arimaha Soomaaliya.
Add New Comment
|
|
|