SilGor 1/30/2010 5:20:01 PM
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka ambabaxay garoonka dayaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ayagoo ku sii jeeday magaalada Nairobi ee waddanka
SilGor 1/29/2010 9:19:52 AM
Dagaallo aad u xoog badan ayaa xalay iyo saakayba ka dhacayey dhammaanba goobaha ay isku horfadhiyaan ciidamada Dowladda KMG oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo xoogagga kasoo horjeeda ee Xisbul Islaam iyo Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin ee magaalada
SilGor 1/29/2010 8:56:52 AM
Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay ayaa maanta go'aan ku gaaray in ciidamada Midowga Afrika (AMISOM) ee ku sugan magaalada Muqdisho muddo hal sano ah loo kordhiyo howlaha nabadgelyo ee ay halkaasi u joogaan.
SilGor 1/28/2010 6:44:21 PM
Wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda Jabuuti Max’uud Cali Yuusuf ayaa Reuters u sheegay in Dowladda Jabuuti ay go'aansatay Soomaaliya inay u soo diraan 450 askari oo ka mid ah ciidanka reer Jabuuti bisha soo socota ee febraayo si ay qeyb uga noqdaan ciidamada Midowga Afrika ee jooga gudaha Soomaaliya AMISOM .
SilGor 1/27/2010 10:43:14 AM
horyaalka adduunka ee Guinness World Records ee lagu qabtay magaalada Istambul ee wadanka turkiga ayaa Sultan Kosen oo 27 jir, una dhashay wadanka Turkiga dhererkiisa lagu qiyaasay 2,46 mitir ku guulaystay inuu noqdo ninka adduunka ugu dheer waqtigan,sidoo kale Hee BIBIN oo 21 jir ah una dhashay wadanka Shinaha , dhererkiisu yahay 74.6 cm ku guulaystay ninka ugu gaaban addunka waqtigan.
SilGor 1/27/2010 3:29:51 AM
Wararka laga helayo deegaanada Coosweyn iyo warxoolo oo ka wada tirsan Gobolka Galgaduud ayaa la sheegaya in goordhow halkaasi uu ka bilowday dagaal u dhaxeeya ciidamo kala taabacsan Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca iyo kuwa Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab kaasoo la sheegay in ay isku garaacayo labada dhinac hub aad u culus
HOL 1/26/2010 8:57:13 AM
Waxaa goor-dhaw soo gaba-gaboobay dagaal culus saakay ku dhaxmaray Magaalada Baladweyne ciidamo ka tirsan Ahlu-sunna Waljameeca iyo xoogagga Xarakada Shabaabul Mujaahiin iyo kuwa Xisbul Islaam oo isku dhinac ah.
SilGor 1/26/2010 8:54:25 AM
Midowga dalalka reer Yurub ayaa isku raacay in tababar mileteri lagu taageero ciidamada Dowladda KMG ee Soomaaliya, si ay isaga caabbiyaan xoogagga dagaalka kala soo horjeeda ee XIsbul Islaam iyo Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin.
SilGor 1/26/2010 5:14:11 AM
Haweeneyda lagu magacaabo Prosy Katura oo ka tirsan Hay’ada Qaramada Midoobey Dhinaca Qaxootiga UNHCR ayaa sheegtay dowladda Maraykanka in ay qaadayso Qaxooti soomaali ah oo tiradooda lagu sheegay 5800 qafood kuwaasoo iminka ku nool xirada qaxootiga ee Nakivale ee gobolka Isingiro ee dalka Ugandha
SilGor 1/23/2010 4:55:33 AM
Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay hadal ay kaga jawaabeyso warbixintii ay dhowaan soo saartay Hay'adda u doodda xuquuqul Insaanka (Amnesty International) taasoo sheegtay in la joojiyo taageerada mileteri ee la siiyo dowladda,si loo hubiyo sida loo adeegsado iyo halka uu ku dambeeyo hubkaasi.
SilGor 1/22/2010 9:20:03 AM
Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka u qaabilsan arrimaha Afrika Johnie Carson ayaa sheegay in Dowladda KMG ee Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ay xaq u leedahaya inay hesho hub ay isaga difaacdo xoogagga kasoo horjeeda.
SilGor 1/22/2010 9:06:45 AM
Xoogagga Ururka Xisbul Islaam oo gacan ka helaya ciidamo ay leeyihii Xarakatul Shabaab Al-Mujaahidiin ayaa maanta si buuxda ula wareegay gacan ku heynta xarunta gobolka Hiiraan ee magaalada Beledweyne, kaddib markii ay dagaal ku qaadeen goobo ay xoogagga Ahlu Sunna ku lahaayeen duleedka magaalada.
1/21/2010 7:10:00 PM
Bahda SilGor waxa ay tacsi u dirayaan qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Marxuum Cabdi Xasan Aadan oo ku geeriyooday degaanka Suuqa Xoolaha ee magaalada Muqdisho, kaddib markii ay haleeshay rasaas ay is weydaarsanayeen kooxo halkaasi ku







'
World News