SilGor 2/15/2010 8:17:58 AM
laba baabuur nooca raaxada ah oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa si darandoori ah loogu weeraray kolonyo Gaadiid uu la socday Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga Dowladda KMG ah Sheekh Yuusuf Maxamed Indha cade iyo xubno kale oo ka tirsan Dowlada KMG ee Soomaaliya waxaana qaraxyadaasi ku naf waayay 2 ruux eeg
SilGor 2/14/2010 9:39:49 AM
Afhayeen u hadlay wasaaradda Gaashaandhigga waddanka Bururndi oo lagu magacaabo Col. Gaspard Baratutuza ayaa sheegay in ciidanka dalkiisa ka jooga magaalada Muqdisho ee qaybta ka ah ciidamada AMISOM ay halkaasi sii joogi doonaan.
SilGor 2/13/2010 2:39:39 PM
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta dhagaxii ugu horreeyey dhigay masjid laga dhisayo xarunta Madaxtooyada gudaheeda oo ay markiiba salaadda ku tukan karaan jameeco tiradeedu ay dhan tahay 400 oo ruux.
SilGor 2/13/2010 12:18:58 AM
Waxa maalinnimadii shalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Allaah ha u naxariistee marxuum Xasan Maxamed Cali Baroow, geerida marxuumka waxa la ogeysiinayaa dhammaanba eheladiisa oo kala joogta waddanka gudihiisa iyo dibeddiisaba.
SilGor 2/12/2010 12:17:53 PM
Waxa galabta cusbitaal ku yaalla magaalo-madaxda waddanka Sacuudiga ee Riyaad Allaah ha u naxariistee wasiirkii Dhallinyarada iyo Isboortiga ee Dowladda KMG ee Soomaaliya marxuum Suleymaan Colaad Rooble oo ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay qarixii Hotel
SilGor 2/11/2010 8:15:51 AM
xayawaankani waxaa la sheegay inuu dhererkiisu gaarayo ilaa 30 mitir, culayskiisuna uu gaarayo ilaa 190 Tan,culayska wadnahiisa oo kelya ayaa waxa uu gaarayaa ilaa 600 kiilo garaam . Xayaankani waxa uu ku nool yahay badda waxuuna quutaa kaluunka yaryar iyo xayawaanada
SilGor 2/11/2010 7:02:51 AM
Wakiilka Afrika ee Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Dowlada Masar Muna Cumar ayaa sheegtay in dalkeedu uu ogolaaday codsi kaga yimid dowladda Soomaaliya oo ah inay ka qayb qaataan tababarka ciidamada ammaanka iyo kuwa badda si ay u joojiyaa waxyeelada
SilGor 2/10/2010 4:07:31 PM
Xaafadaha Lagu garaacay Madaafiicda ay dadka badan ku dhinteen waxay kala yihiin degmooyinka Hodan, Howlwadaag, Yaaqshiid, Huriwaa, Boondheere, C/casiis,Kaaraan iyo Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.
SilGor 2/10/2010 2:18:36 PM
Qarax xoogan oo ay ku geeriyoodeen dhowr askar iyo dad shacab ah oo maanta ka dhacay degmada Xamarjajab ee Magaalada Muqdisho kaasoo lala beegsaday ciidamo halkaasi marayay oo ka tirsanaa Dowladda KMG ah ee Soomaaaliya .
SilGor 2/10/2010 1:55:30 PM
Ciidamo Booliska oo qori ka qaatay Askari milateri ah aya waxa uu keenay dagaal dhimasho iyo dhaawac geestay kaasoo ay iskaga horyimaadeen Ciidamada Booliska iyo Milateriga ee Dowladda KMG ah duhurnimadii maanta ka dhacay agagaarka School Polizio ee magaalada Muqdisho
SilGor 2/8/2010 10:55:32 AM
Dowladda Japan ayaa sheegtay in taageero maaliyadeed oo dhan 35.2 million dollar ay ugu deeqday Dowladda KMG ee Soomaaliya, taasoo wax lagaga qabanayo dib u dhisidda ciidamada ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo kaabayaasha dhaqaale ee dowladda.
SilGor 2/7/2010 6:06:10 PM
Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhimatay 11 qof oo kalena way ku dhaawacmeen Madaafiic ku dhacay xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid iyo Boondheere ee Gobolka Banaadir, kuwaasoo jawaab u ahaa madaafiic lagu tuuray xarumaha ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ee Magaalada Moqdishu.
SilGor 2/6/2010 10:14:39 AM
Dowladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyo xooggaga kasoo horjeeda ayaa bilaabay inay kasoo buuxiyaan ciidamo aad u tiro badan goobaha ay iskaga soo horjeedaan ee magaalada Moqdishu, taasoo keentay inay Dadweynihii ku harsanaa Magaalada iskaga baxaan







'
World News