Qoysaskii ku harsanaa Magaalada Muqdisho oo bilaabay inay ka qaxaan guryahoodii
Dowladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyo xooggaga kasoo horjeeda ayaa bilaabay inay kasoo buuxiyaan ciidamo aad u tiro badan goobaha ay iskaga soo horjeedaan ee magaalada Moqdishu, taasoo keentay inay Dadweynihii ku harsanaa Magaalada iskaga baxaan.
Dowladda ayaa ciidamo cusub ku biirisay kuwi horay usii joogay Waqooyiga Muqdisho, Warshaddii Kabka, inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye iyo fariisimo kale oo dhowr ah, waxay la sheegay ciidamadaasi cusub oo aad loosoo tababaray in lagu weerari doono dhawaan kooxaha mucaaradka ku ah dowladda Soomaaliya.
Dhinaca kalana Xisbul Islaam iyo Xarakatul Mujaahidiin Alshabaab ayaa iyaguna Gobolada dalka ka keenay ciidamo fara badan si ay uga qeyb qaataan dagaallada la filayo in ay ka qarxaan Magaalada Muqdisho taasina waxay keentay cabsi weyn iyo in laga bara kaco Degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaan, kuwaasoo ay gacanta ku hayaan xoogagga Dowladda kasoo horjeeda.
Gaadiid,Gaari-gacan iyo gaari-dameero ayay ku barakacayaan qoysaskaani, qaarkood waxay u qaxeen Deegaanada Deexda Warshiiq iyo Cadalle ee Gobolka Shabeellada dhexe, halka kuwo kalena ay u barakaceen duleedka Magaalada Muqdisho.
Muqdisho ayaa sidaasi waxa ay ku noqoneysaa mid iminka galaysa dagaal weji cusub ah iyadoo shaki la’aan ay tahay in ay ciidamada AMISOM ay ka qeyb qaadanayaan mar haddii uu bilowdo dagaal u dhaxeeya Ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa kasoo horjeeda.
Waxa aan la sii saadaal karin Dagaalkani inuu noqon karo mid soo af-jara dagaalka 19 ka sanno jirsaday oo u dhexeeya mar waliba laba kooxood oo Soomaali ah oo kala aragti duwan.
Add New Comment
|
|
|