HOL 6/1/2010 11:21:04 PM
Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Isniintii shalay hadal ka jeediyay shirka Afrika iyo Faransiiska uga socda Magaalo xeebeedda Nice ee dalka Faransiiska. Madaxweyne Sheekh Shariif wuxuu ka codsaday Madaxdii shirkaas ka qaybgalay oo ka socday 40-wadan oo Afrikaan ah in dowladdiisa gacan laga siiyo sidii ay dib ugu soo celin lahayd amaanka iyo kala-dambeynta.
5/31/2010 9:24:58 PM
Dad saarnaa maraakiib falastiin u siday cunno, daawo iyo qalab dhismo,ayaa Ciidanka Yahuudda weerar ay xalay saqdii dhexe ku qaadeen ayaa waxay ka dileen 20 ruux, 100 kalana waxaa soo gaaray dhaawac , maarkiisbtaasi oo lahaa dowladda Turkiga waxaa la socday dad kor u dhaafay 600 qof oo ka kala yimid adduunka oo dhan kuwaasoo ay ka mid ahayeen Culuma'udiin, Xildhibaanno, suxufiyiin dhalinyarro diidan cunnaqabteynta hal milan iyo bar ruux 1000 maalin ku xayiran wadanka Falastiin qaybta ay xukunto Xarakada xurnima-u-dirirka ee Xamaas.
HOL 5/30/2010 8:15:38 PM
Xoghayaha Guud ee ururka saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ Cumar Faaruuq Cusman ayaa mar kale loo doortey xubinnimada gudgiga fulinta caalamiga ah ee ururka saxafiyiinta Aduunka ee IFJ, shirweynaha ka dhacay magaalada Cadiz ee wadanka Spain.(Wararka Maanta May-30)
SilGor 5/30/2010 7:03:23 AM
Bahda Shabakadda Warbaahinta SilGor waxay u tacsiyeynayaan eheladii, asxaabtii, bahda Isboortiga Soomaaliyeed iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed geeridii naxdinta lahayd ee ku timid marxuum Maxamed Xuseen Cali (Shiikhaalow) oo ka mid ahaan jiray laacibiintii ugu waaweynaa taariikhda kubadda cagta Soomaaliyeed.
SilGor 5/28/2010 9:32:32 AM
War deg deg ah oo dhowaan naga soo gaaray xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Shariif Xasan Sheekh Aadan uu ku guuleystay cod ay mudanayaasha barlamaanku u qaadeen qabashada xilka guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya.
HOL 5/27/2010 9:54:16 PM
Maamulka Ururka Xisbul Islaam ee degmada Afgooye ayaa maanta amarro kusoo rogay saxafiyiinta ka howlgala degmadaas, amarrada uu soo saaray maamulka ayaa waxaa ka mid ahaa in wariyaha uu ku bilaabo warkiisa Bisinka,iyo In warka lasoo marsiiyo Xafiiska Wafaafinta Maamulka iyo in codadka laga duuban karo oo keliya xubnaha maamulka.
SilGor 5/26/2010 8:30:30 PM
Qarax xoogan oo gilgilay waddo ka mid ah degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, qaraxaasoo la rabay in lagu qaarijiyo Wasiirka Cadaalada iyo garsoorka Dowladda KMG ee Soomaaliya, ayaa saaka waxa ku geeriyootay qof dumar ah oo xiligaasi maraysay waddadaasi qaraxa uu ka dhacay.
SilGor 5/26/2010 8:11:41 PM
Wasiirkii Maaliyadda Dowladda Soomaaliya markii uu ka mid noqday musharixiinta guddoonka baarlamaanka ayaa maanta waxa uu u gudbiyay Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke qoraal uu iskuaga casilaayo wasiirnimada wasaaradda Maaliyadda
HOL 5/25/2010 9:07:18 PM
Warar lagu kalsoon yahay oo ay HOL ka heshay ilo wargaleen ayaa sheegaya in Madaxweyne Sharif Sh. Axmed uu ka fekerayo inuu soo magacaabo ra'iisul wasaare cusub oo beddela ra'iisul wasaare Cumar C/rashid Cali Sharma'arke, kaddib markii isaga iyo Sharma'arke ay ku heshiiyeen in ra'iisul wasaaruhu is-casilo muddo laba toddobaad kaddib
SilGor 5/24/2010 6:06:39 PM
Sheekh Cali wuxuu yiri saddexdii maalmood ee la soo dhaafay dagaalladii aan la galnay kuwa dowladda iyo kuwa Ahlu-sunna wal-jamaaca in ciidamadeenna ay kaga guuleysteen kana qabsadeen deegaannadii ay kaga sugnaayeen Waqooyiga Muqdisho.
SilGor 5/23/2010 8:14:12 PM
Saakay waaberigi ayaa mar keliya waxa ay dagaalo xoogan iyo duqeymo culus ay ku dhexmareen xaafado ay ka mid yihiin degmooyinka Hodan,Howlwadaag,wardhiigley iyo Boondheere ee gobolka Banaadir Ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya iyo Ciidamada Culumaa’udiinka Ahlu Sunna oo isku meel ah iyo Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo kasoo horjeedo ,waxaana dagaaladaasi barbar socday
HOL 5/23/2010 10:29:02 AM
Kadib markii galinkii danbe ee shalay ay bur burtay Buundadii Liqliqato ee Magaalada Beledweyne ayaa xalay ilaa saakay waxaa ka soconaya gudaha Buundada dadaallo la doonayo in lagu samata bixiyo hantidii saarneyd Gaarigii Xamuulka ahaa ee Buundadu la go'day.Dadka Magaalada Beledweyne Ilaa xalay wax iska weydiinayay saameyta ay bur burka Buundadu ku yeelan karto dhaq dhaqaaqii dhinaca Ganacsiga ee ka dhaxeeyay
SilGor 5/22/2010 5:06:36 PM
Buundadii Liiq-liiqato ee Magaalada Beledweyne ayaa waxaa maanta burburiyey gaari kuwa xamuulka ah oo siday raashin gaaray culeyskiisa mid ayan xamili karin buundadaasi, waxaana la sheegay in 500 kiiltaal oo raashin ah in uu gaarigaasi la dulmaray buundadaasi isagoo usii waday raashinkaasi xaafadda howl-wadaag oo ka mid ah xaafadaha







'
World News