Buundadii Liiq-liiqato ee Magaalada Beledweyne ayaa waxaa maanta burburiyey gaari kuwa xamuulka ah oo siday raashin gaaray culeyskiisa mid ayan xamili karin buundadaasi, waxaana la sheegay in 500 kiiltaal oo raashin ah in uu gaarigaasi la dulmaray buundadaasi isagoo usii waday raashinkaasi xaafadda howl-wadaag oo ka mid ah xaafadaha magaalada beledweyne.
Markii ay la degtay gaarigaasi bundada liiq-liiqata waxaa kusoo yaacay dad farabadan oo ka yimid agagaaraha buundada iyo kuwo ka yimid xaafadaha ay ka fogfog ee magaalada baladweyn kuwaasoo isugu jiray kuwa doonaya inay bililiqaystaan raashinka wubiga ku daatay iyo kuwo inay daawadaan u yiomid.
waxaase markii dambaystay dadkaasi kala eryey ciidamo ka socday ururka xisbul islaam kuwaasioo goobtaasi ilaalo nka babtay in la bililiqaystana ka horjoogsaday dadkii kusoo xoomay goobtaasi.ilaa hadda lama soo sheegin cid wax ku noqotay Bur burka Buundadaasi.
Buundada Liiq liiqato waxaa la dhisan tahay muddo aan ka yareen 35 sanno wax dayactir ah waa hore ayaa uigu dambeysay iyadoo iska taag daran ayaa haddana aan laga dhowrin culayska aadka u sarreeya oo ayan xamili karin taasoo keentay inay maanta gebe ahaan dunto, waxaase isweydiin leh Beledweyn ma ku filaan doontaa Buundo-weyn oo ah buundada kaliya ee maanta ku harsan magaaladaasi si weyn webiga u dhexmaro ,waxaa huwaal ah sida ay horayba ugu duntay buundo-weyn in ay u dumi doonto dayac tir la-aan iyo dagaalo xarig jiid ah oo qolaba gelin ay gacanta ku hayso Buundadaasi.
Si
kastaba ha ahaatee waxaa iminka go’an isu geedi socodka deegaanada
Bariga iyo Galbeedka magaalada B/weyne gaar ahaana waxaa si gaar ah u
kala xayiran dadyow kala dagnaa 2-da gaddi ee magaalada oo ah Galbeedka
iyo Bariga magaaladaasi taasi oo horay ay Buundada isugu xiri jirtay.