
SilGor 6/10/2010 9:22:13 AM
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki Moon ayaa arrimaha dalka Soomaaliya u magacaabay ergay cusub oo u dhashay waddanka Tanzania, kasoo lagu magacaabo Augustine Mahinga, wuxuuna beddelayaa ergaygii hore ee Qaramada Midoobay Ahmedou Ould Abdalla oo saddexdii sano ee lasoo dhaafay xilkaasi haayey.